Weerar lagu qaaday munaasabad gaado ka ciyaar ah oo ay ku sugnaayeen ciidammada Iiraan

Xigashada Sawirka, AFP
Dablay hubaysan ayaa rasaas ku furay ciidammada Iiraan oo gaado ka cayaar kusoo bandhigayay magaalada Ahvaz oo ku taalla koonfur galbeed dalkaasi, waxaana ku dhintay 24 qof halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Dablayda ayaa weerarka kasoo qaaday barxad u dhaw goobta ay ciidammada ku sugnaayeen, waxayna qabeen dareeska militariga.
Warbaahinta waxay sheegtay in loo malaynaya in weerarka ay soo qaadeen kooxo jihaad doon ah.
Xukuumadda Iiraan ayaa u dabaaldegaysaa sannadguuradii kasoo wareegtay bilaawgii dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan sannadihii 1980-kii ilaa 1988-dii, waxaana ciidammada militariga dalkaasi ay soo bandhigayeen gaado ka cayaar lagu xusayo munaasabadda.

Xigashada Sawirka, AFP
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya ciidammo dhaawac ah oo goobta laga qaadayo.
Weerarka dableyda ayaa socday muddo 10 daqiiqo ah balse laammaha ammaanka Iiraan ayaa hadda la wareegay goobta oo xaaladda dejiyay, sida ay kusoo warramayso warbaahinta xukuumadda Iiraan.

Xigashada Sawirka, AFP
Siddeed kamid ah ciidammada Iiraan iyo weriye ayaa ku dhintay weerarka, sida ay wararka sheegayaan.
Cali Xuseen XuseenZadeh oo ah ku-xigeenka baraasabka goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in labo kamid ah dablayda la dilay halka labo kalena la xiray.
Magaalada Ahvaz ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee dalkaasi oo ay ka socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo ay shacabka uga cabanayeen sicir barar iyo qiimaha badeecadaha oo sare u kacday.










