Gobolka Soomaaliya ee uu dhuxusha ka soo qaaday markab ay dawladdu dacwaysay

Xigashada Sawirka, SBC
Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay Markab dhuxul siday oo ay sheegtay inuu ku xirtay dekad ku taalla dalka Ciraaq.
Dowlada Soomaaliya waxay Ciraaq ugu baaqday inay baarto Markab ay sheegtay inuu ku xiratay dekadda Umm Qasri ee dalkaasi.
Ilo wareedyo aan dooneyn in la magacaabo ayaa BBC u sheegay in doonta/markabka uu ka baxay magaalada Kismaayo, balse uu si been abuur ah ku sameeystay dokumentiyo muujinaya halka laga soo raray shixnadda uu sido, iyadoo laga dhigay inuu ka yimid Ghana.

Xigashada Sawirka, SBC
Xayiraadda dhoofinta dhuxusha
Qaramada Midoobay ayaa horey u sheegtay in dhoofinta dhuxusha ay halis ku tahay xaaladda deegaanka ee Soomaaliya.
Qaramada Midoobay waxay dhowr bilood ka hor ku dhawaaqday in inta u dhaxaysa sanadkii 2011-ka iyo 2017-ka la jaray in ka badan 8 milyan oo geed.
Hay'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan deegaanka ayaa horey u sheegtay in geedka quraca, oo udub-dhaxaad u ah deegaanka Soomaaliya, uu haatan bartilmaameed u noqday dadka ka ganacsada dhuxusha.
Sannadkii 2012-ka ayuu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xayiraad ku soo rogay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, balse isla Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hanti malaayiin Doollar gaaraysa laga faa'iday dhoofinta dhuxusha xayiraadda ka dib. Taas waxay astaan u tahay in aanay dhaqan-gelin xayiraadda dhuxusha.

Ku xadgudubka xayiraadda
Dadka wax indha-indheeya ayaa in badan is weydiinaayay sida ay ugu suuragashay ganacsatada dhuxusha inay ka jebiyaan xayiraadda dhuxusha, iyadoo warbixinno horey loo soo saaray lagu sheegay in maraakiibta dhuxusha dhoofisa ay ka baxaan xeebaha Soomaaliya, balse ay inta badan sitaan warqado been abuur ah oo muujinaya inay meel kale ka soo shiraacdeen.
Dekadda Kismayo
Warbixin ay Qaramada Midoobey soo saartay dabayaaqadii 2017-ka ayay ku eedeysay ciidammada Kenya inay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxusha sharci-darrada ah ee Kismaayo, balse militariga Kenya ayaa dhowr jeer arrintaasi beeniyay, iyagoo sheegay in aanay gacanta ku haynin howlaha dekadda.

Xigashada Sawirka, AFP
Billawgii sanadkan, ayaa waxaa baraha bulshada hareeyay sawirro muujinayay dhuxul tiro badan oo jawaanno ku jirta, taas oo xilligaasi la sheegay in laga soo qaaday Kismaayo.
Balse warbxintan dowladda ka hor ma jirin wax war cad ah oo ku saabsan Markab ka baxay xeeb Soomaaliya ku taalla oo gaaray dal kale.
Sharciga caalamiga ah
Dowladda Soomaaliya ayaa horey uga codsatay booliska caalamiga ee Interpol inay gacan ka siiyaan ka hortagga dhoofinta sharci-darrada ah ee dhuxusha.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa qoraal uu soo saaray ugu baaqey ganacsatada Soomaaliyeed inay ka baaqsadaan dhoofinta dhuxusha, taas oo la sheegay in ka sakow xaalufinta deegaanka, ay horseedi karto dhibaato amni darro ah, maadaama ay dhinacyada hubeysan ee Soomaaliya dhaqaale ka dhigan karaan dakhliga dhuxusha.










