Dhuxul la xayiray in la dhoofiyo
Weriyaha BBCda Bashkas Jugsoodhacay ayaa waxaa uu gaaray Magaalada Buurgaabo oo 120km u jirto magaalada Kismaayo. Bashkas waxaa uu ka mid yahay wariyayaal la safray ciidanka Kenya oo maalitii labaad ku noqday koonfurta Soomaaliya. Wuxuu la kulmay dhuxushii laga dhoofin jiray Kismaayo oo ku go'doontay magaalada Buurgaabo dagaalka awgeed.
Dhoofinta dhuxusha ayaa waxaa Alshabaab ay ka heli jirtay sanadkii qiyaastii 15 milyan oo dollar. Duxusha ayaa qayb ahaan sabab u ah abaarta Soomaaliya, sababtoo ah waxaa laga sameeyaa geedo la gooyay oo la gubay.