Ma is waafaqayaan musuqmaasuqa iyo hufnaanta maaliyadda Soomaaliya?

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle
Qoraalka sawirka, Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle

Bankiga adduunka ayaa shalay ku dhawaaqay inuu ansixiyey lacag 80 malyan oo Doollar ah oo la siinayo Soomaaliya.

Lacagtan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay ee uu bankigu toos u siiyo Soomaaliya, tan iyo 1991, markii uu dalku galay burburka.

Bankiga adduunku wuxuu sheegay in lacagtaas badankeed ay ku baxayso "barnaamijyada isbeddelka dhaqaalaha ee Soomaaliya".

Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo BBC la hadlay ayaa sheegay in talaabadaas ay "Soomaaliya uga dhigan tahay in nidaamkii dawliga ahaa la aaminay, dawladdana lagu kalsoon yahay".

Wasiir Beyle wuxuu intaa ku daray in lacagtaas ay ku bixi doonto "dib u dhiska iyo quweynta hay'adaha dawliga ah sida wasaaradaha iyo wakaaladaha dawladda, wax ka qabsashada u nuglaanshaha dhibaatooyinka, iyo maamulka lacagaha".

Seddexdii sano ee u dambaysay dakhliga dibadda uga yimaada Soomaaliya waxaa ugu badnaa kan Bankiga Adduunka

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Maaliyadda

Qoraalka sawirka, Seddexdii sano ee u dambaysay dakhliga dibadda uga yimaada Soomaaliya waxaa ugu badnaa kan Bankiga Adduunka

"Lacag iyadana 100 malyan oo yuuro ah ayaa nooga imaan doonta midowga Yurub oo lagu kabayo miisaaniyadda" ayuu yiri Mr Beyle.

Haddaba dawladdu ma leedahay awooddii ay ku maamuli lahayd lacago baaxadaas leh oo toos loo siinayo? Dr Shaafici Shariif Maxamed waa cilmi baare jooga Muqdisho oo ku takhasusay dhaqaalaha iyo maamulka.

Wuxuu sheegayaa in lacagtan aysan ahayn mid lagu bixinayo mashaariic horumarineed oo ay tahay mid lagu tababarayo "shaqaalaha dawladda".

"lacagtan bankiga adduunka ayaa maamulaya, asaga ayaana khubaro soo diraya, shaqaalaha la qaadanayo asaga ayaa soo go'aaminaya. Ayaga ayey ka imaanaysaa, ayaga ayeyna ku laabanaysaa sida muuqata, maadaama tababarrada iyo khubarada ay xagooda ka imaanayaan".

Dawladda Soomaaliya inkastoo ay ka hadashay sida lagu bixinayo lacagta, haddana Dr Shaafici wuxuu sheegayaa in doorkeedu uu noqon doono "dadkii la tababari lahaa, sidii nidaamka loo socodsiin lahaa, dadkii iyo nidaamkii inay ka shaqaysiiso. Bankiga adduunka gacmaha ayuu kala bixi doonaa arrintan marka ugu dambaysa" ayuu yiri Dr Shaafici.

Muddo 30 sano ku dhow, lacag toos ah Soomaliya kama helin bankiga adduunka. "Heerka hufnaanta maaliyadda ee Soomaaliya oo hadda ah heer lagu qanco" awgiis ayaana la sheegayaa in Soomaliya loogu ansixiyey lacagta 80ka malyan ee Doollar ah.

Waxaa ka sii horraysay hay'adda caalamiga ah ee lacagta (IMF) oo iyana sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sameeyey koboc fiican.

Sidaasoo ay tahay, Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa dalalka ugu horreeya dhinaca musuqmaasuqa ee dunida. Haddaba, sidee bay labadaas arrimood isu qaban karaan? Waa kan mar kale Dr Shaafici.

"Warbixinta waxaa ku jirta in 2019 - 2022 uu dhaqaalaha Soomaaliya kor u soo kacayo 3% ilaa 4%. Waxa ay ku fekerayaan waxay tahay maadaama ay qabaan in dhaqaalaha uu sare u kacayo in ay dalka u sameeyaan nidaam ay hadhoow wixii ay galiyeen ay kaga qaataan. Sababta 60ka Malyan ee Doollar loogu bixinayo ee tababarro loo samaynayo, ee khubaro loo keenayo waxay muujinaysaa in heerka xagga maamulka uusan taaganayn meeshii la rabay, oo aan hadhow loogu hungoobin lacagaha dambe ee Soomaaliya la siin doono, oo aan la dhihin iskama bixin karaan" ayuu yiri Dr Shaafici Shariif Maxamed.

Soomaaliya waa dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida sida ay sheegayso hay'adda Transparency International

Xigashada Sawirka, Transparency International

Qoraalka sawirka, Soomaaliya waa dalka ugu musuqmaasuqa badan dunida sida ay sheegayso hay'adda Transparency International

Lacagta Soomaaliya ay ka heshay baanka adduunka ayaa ku soo beegmaysa ayadoo midowga Yurub uu Soomaaliya u ansixiyey 100 malyan oo Yuuro oo "seddexda bilood ee sannadka u dambaysa, ilaa sannadka 2021 socon doonta, taasoo lagu kabayo miisaaniyadda waxaana la siinayaa dawladda federaalka, ayadoo la adeegsanayo nidaamka dalka".

Haddaba marka la eego lacagaha noocan oo kale ah ee la siiyo dalalka ay Soomaliya jaarka yihiin ayaa noqonaya wax aad u yar.

Tusaale ahaan, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, wuxuu shirkiisii jaraa'id ee ugu horreeyey tan iyo markii uu xukunka qabtay dabayaaqada bishii hore ku sheegay in bankiga adduunka uu dalkiisa siinayo kaalmo xagga baritaarka miisaaniyadda dalka ah oo gaaraysa hal Bilyan oo Doollar.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Dalka Kenya, wuxuu bankiga adduunka ka wadaa mashaariic ku saabsan taageerada dawlad wanaagga, caawinta dawlad goboleedyada dalka Kenya, horumarinta kaabeyaasha, caafimaadka, beeraha, shaqo abuurka iyo qaar kale oo marka la isku daro kor u dhaafaya laba Bilyan oo Doollar.

Dadka wax indha indheeya waxay u arkaan lacagta bankiga adduunka uu siinayo Soomaaliya inay tahay "mid lagu eegayo sida ay Soomaaliya uga soo dhalaasho muujinta bisayl ay ku maamusho lacago u baahan in lagu bixiyo sidii loogu tala galay, lana mariyo xisaab celin waafaqsan nidaamyada caalamiga ah".