Bisado faro ba’an ku haya dalalka reer galbeedka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xaafad yar oo ku taalla xeebta koonfureed ee dalka New Zealand ayaa ku dadaaleysa in la dhaqan galiyo qorshe adag oo lagu ilaalinayo xayawaanka duur joogta ah ee deegaankaas gaarka u ah: laguna mamnuucayo dhammaan bisadaha ku nool guryaha.

Qorshahaan oo ay soo jeedisay waaxda deegaanka ee maamulka koonfurta ayaa dhigaya in milkiileyaasha bisadaha heysta ee ku dhaqan xaafadda Omaui ay dowladda hoose ee maxalliga ah ka diiwaan geliyaan bisadaha ay hadda guryaha ku heystaan.

Hase ahaatee dadkaas ayaan loo oggolaan doonin iney bisad kale helaan marka ay dhimato tii ay horay u heysteen.

Arrintaan ayaa u muuqata mid qallafsan, laakiin waxaa jira wax kale oo ay tix galin siinayaan bulshada deegaanka: waayo bisadaha ayaa masuul ka ah in ay sannad walba le'daan balaayiin shimbiro ah iyo xayawaan kale oo xamaarato ah oo ku nool xaafaddaas.

Qaar ka mid ah dadka ayaana aaminsan in khaladkaas uu ka socdo dhanka dadweynaha.

Dr Peter Marra, oo madax ka ah urur u dooda xuquuqda iyo xannaaneynta shimbiraha ayaa arrimahaan ku qoray wargeysyada iyo buugaagta.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in ujeeddadiisa aysan si dhab ah u ahayn nacayb uu u qabo bisadaha iyo heysashadoodaba.

"Bisaduhu waa xayawaanno aad ugu fiican in guryaha lagu heysto - waa kuwo cajiib ah oo la jecleysto! Balse ma aha in loo oggolaado iney bannaanka ka soo ugaarsadaan - runtii waa xal iska cad," Sidaas ayuu ku yiri BBC-da.

Dr Marra ayaa sheegay in dadka ay xil badan iska saaraan bisahooda

Xigashada Sawirka, TIM ROMANO/SMITHSONIAN CONSERVATION BIOLOGY INSTIT

Qoraalka sawirka, Dr Marra ayaa sheegay in dadka ay xil badan iska saaraan bisahooda

"Waligeen uma oggolaan doonno in eeyaha ay sidaas sameeyaan. Hadda waxaa la gaaray waqtigii aan bisadaha ula dhaqmi lahayn sida eeyaha."

Saraakiisha u sugan xaafadda Omaui ayaa sheegay in qorshahaan loo hayo marmarsiiyo, sababtoo ah kaamirooyinka lagula socdo dhaqdhaqaaqyada xaafadaas ayaa muujiyay dhacdooyin fara badan oo ku saabsan bisado bannaanka ka ugaarsanaya shimbiro, cayayaanno iyo xayawaanno kale oo xamaarato ah.

"Sidaas awgeed bisaddaada si farxad leh way ugu noolaan kartaa xaafadda Omaui wayna sameyn kartaa waxa ay sameyneyso. Laakiin mar haddii ay kaa dhimato, mid kale laguuma oggolaan doono," ayuu yiri Ali Meade oo ah maamulaha waaxda nabad galyada xayawaannada.

Sida uu dhigayo qorshahaan, qof walba oo ka dhaga adeyga diiwaan galinta bisaddiisa waa laga qaadi doonaa mar dambena lama siin doono taas iyo mid kale oo cusub toona.

Ilaa intuu la egyaha dhibka bisadaha?

Doodda ku saabsan saameynta bisadaha ee deegaanka Omaui ma aha mid hadda ku cusub halkaas.

Horay ayey marar badan seynisyahannada uga digeen in bisadaha ay halis ku yihiin xayawaannada dabiiciga ah ee laga helo deegaannadaas oo kaliya.

Waxay bisadaha ku dareen 100-ka xayawaan ee aan u dhalannin deegaanka ama gaarka u ahayn lagana helo dunida inteeda kale.

Marka laga soo tago New Zealand waxaa jira dalal kale oo ay faro ba'an ku hayaan bisadaha.

Qiaastii 4 bilyan oo shimbirood iyo 22 bilyan oo xayawaanno xamaarato ah ayay bisaduhu sannad kasta ku dilaan dalka Mareykanka gudihiisa oo kaliya.

Xitaa waddanka Ingiriiska waxaa ka taagan cabasho xoogan oo laga qabo bisadaha. Ururrada u dooda xuquuqda xayawaanaadka xamaaratada ah ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in 55 bilyan oo shimbirood ay sannad kasta ku baxaan gacanta bisadaha.

'Dilaa dabiici ah'

Ma ahan markii ugu horreysay ee walaac laga muujiyo faraha kulul ee ay bisaduhu ku hayaan shimbiraha New Zealand - oo ah waddan ay dadkiisa ku dhawaad kala bar ka mid ah dhaqdaan bisadaha iyo xayawaannada kale ee guriga lagu heysto.

Arrintaan ayaa sidoo kale xaalad adag ka ah waddanka Australia, halkaasoo bisadaha lagu eedeynayo in ay cirib tirayaan xayawaanno laga helo waddankaas oo kaliya.

Ogaysiis lagu dhajiyay banaanada

Xigashada Sawirka, PETA

Qoraalka sawirka, Ogaysiis lagu dhajiyay banaanada

Waxaa dalalkaas looga arkaa bisaduhu in ay yihiin xayawaan si dabiici ah dilaa u ah oo haddana ku dhex nool dadka.