Xildhibaan sheegay in ay isugu tageen Kaneeco iyo booliis

Xigashada Sawirka, AFP
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda oo ay booliiska dalkaasi dhigeen xabsiga ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyiin uu sheegay in xabsiga gudihiisa loogu gaystay.
"Waxaa nagula xiray xabsi buux dhaafay oo ay dhex taalo shamiito islamarkana ay kaneeco na cunayso ilbiriqsi walba xaqiiqdii waan dhibatoonay ".
Kuwani waa erayada xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda Kassiano Wadri - oo ka mid ah 34 qof oo loo haysto khiyaano qaran ka dib markii sida la sheegay ay dhagxaan la dhaceen gaariga madaxwayne Yoweri Museveni.
Mr Wadri ayaa BBC qaybta Afrika la hadasho ee Focus on Africa u sheegay in dhamaan maxaabiista la garaacay intii ay xabsiga ku jireen ".
Waxa uu xildhibaankan intaa ku daray in fanaanka isu badalay siyaasiga Bobi Wine, oo magaciisa dhabta uu yahay Robert Kyagulanyi, ay xireen ilaalada gaarka ah ee madaxwaynaha "ayna si xun u jirdileen".
Waxaa sidoo kale qaabkaasi oo kale loola dhaqmay xildhibaan Francis Zaake, oo baarlamaanka ka tirsan kaasi oo wali isbataalka ku jira.
"Kuwa anaga naga midka ah ee ay rafaadiyeen islamarkana ay garaaceen booliiska waan iska yaraha wanaagsanahay, balse ilaalada gaarka ah ee madaxwaynaha ayaa dadkeena u gaystay xanuun badan iyo jirdil."
Mr Wadri ayaa sheegay in ay "aad u yareyd" in al siiyo cunno islamarkana booliiska ay diidayeen dadka cunnada u keena intiii ay xabsiga ku jireen.
Balse waxa uu ammaanay ciidamada asluubta ee ilaaliya xabsiyada oo uu sheegay in markii dambe lagu wareejiyay ayna ula dhaqmeen "si xirfad iyo sharaf leh ".
Bobi Wine ayaa waxaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay caawinayay oo gacanta hayay booliiska markii maxkamada la soo taagayay.
Waxa uu sheegay in mamnuucidda ay maxkamada ku soo rogtay in deegaanka laga soo doorto uusan booqan Karin muddo saddex bilood ah ay tahay mid aan xaq ahayn, balse uu xushmayn doono.
Bobi Wine ayaa waxaa loo haystaa in uu ka dambeeyay dibadbaxayaal sida la sheegay dhagxaan roobka uga dhigay kolanyo uu la socday madxwayne Musavani oo marayay magaalada ku taalla waqooyiga Uganda oo lagu magacaabo Arua.
Waxa uu xildhibaan Wine beeniyay in uu ku lug lahaa arrintani isaga oo sheegay in uusan arkin kolanyada madaxwaynaha waxa uuna ku tilmaamay dacwdaha lagu soo oogay "qorsho ula kac ah."










