Faraanti la la'aa 12 sano oo laga helay Dabacase (karooto)

Xigashada Sawirka, Lin Keitch
Faraanti (fargashi) dahab ah oo ku lumay beer yar oo ku taalla ardaaga guri ay reer leeyihiin 12 sano ka hor ayaa la helay asagoo ku dheggan Dabacase ama Karooto.
Lin Keitch oo ah 69 jir deggan Monkton Heathfield oo u dhow Taunton, Somerset, ayaa aragtay mar ay dhaqaysay khudrad ay ka soo jartay ardaaga gurigeeda.
Waxay ahayd haddiyad uu odaygeeda Dave u keenay sannadguuradeedii 40aad, waxaana lumisay gabadhooda.
Waxay rumaysan yihiin in karootadu ay ku dhex kortay faraantiga. Ms Keitch waxay sheegtay in tani ay tahay "arrin malyankii jeerba mar dhacda".

Xigashada Sawirka, Lin Keitch
"Waxaan soo jaray khudradda, cawska ayaan ka guray. Ka dibna waxaan is iri Waa maxay waxaas? Mise waaba faraantigaygii".
Waxay sheegtay, walow faraantigu uu dhexda ku lahaa dhagax dhalaalaya oo qaaali ah oo ciiddu ay qarisay, misna inay durba aqoonsatay inuu keedi yahay.
"Dave ayaa ii soo gaday markii aan u dabaal degayey sannadguuradaydii 40aad, laakinse markii uu iga yaraaday ayaan siiyey gabadheenna" ayey tiri.
"Beerta guriga dhexdiisa ku taalla ayey ku lumisay, waxayna ahayd ugu yaraan 12 sano ka hor. Waxaan filayey in aanan dib dambe u arki doonin. Waxaan la shaqaraaray in karooto ay ka dhex baxday" ayey sii raacisay.
Dave Keitch oo 69 jir ah wuxuu sheegay in uu faraantigaas raadin jiray mar walba, tan iyo wakhtigaas.










