Maxaa sababi kara in duullimaadkaaga xiga uu sii maro Shiinaha?

Dayaaradaha Shiinuhu waxay aad u sii kordhiyeen duullimaatadii caalamiga ahaa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dayaaradaha Shiinuhu waxay aad u sii kordhiyeen duullimaatadii caalamiga ahaa

In la goosto tigidh diyaaradeed oo loogu kala gooshayo magaalooyinka London iyo Sydney waxa uu sawir sharraxaad cad ah ka bixin karaa is beddelka weyn ee sannadihii dambe ku dhacay qiimaha duullimaadka ee caalamka.

Waxaa taas la mid ah haddii aad dooneysid in aad ka duushid Bangkok oo aad u duushid Los Angeles, ama aad safar dhanka hawada ah uga tagtid Singapore oo aad ku aaddid New York.

Marka la eego dhamaan duulimaadyada loogu kala dhoofo magaalooyinkaan, tigidhada ugu raqiisan maalmahaan intooda badan waa kuwa ay bixiyaan shirkadaha Shiinaha.

Haddaan ka hadalno duullimaadka London ilaa Sydney. Website-ka ugu caansan ee laga fiirsado qiimaha tigidhada waxa uu kuu soo saarayaa in duullimaadka ugu qiimo jaban ee sii socod iyo soo socodba ah aad ka heleyso diyaaradaha laga leeyahay waddanka Shiinaha.

Arrintaan ayaa sabab u noqon karta in qof kasta oo waddan ka soo duula una socda waddan kale uu sii maro Shiinaha.

Waxaa iyagana batay rakaabka mara garoomada dayaaradaha ee Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa iyagana batay rakaabka mara garoomada dayaaradaha ee Shiinaha

Sida la og yahayba diyaaradaha sameeya duullimaadyada caalamiga ah dhammaantood waxaa sharci u ah in marka ay soo duulaan ay ugu horreyn sii maraan dalka laga leeyahay ka hor inta aysan u sii gudbin bartilmaameedka safarkooda.

Labada shirkadood ee diyaaradaha ugu waaweyn dalka Shiinaha ayaa lagu kala magacaabaa China Southern Airlines iyo China Eastern Airlines, kuwaasoo u muuqda in ay u loollamaan macaamiisha, iyagoo qiimahoodana raqiis ka sii dhiga marba marka kasii dambeysa.

Fursaddaas ayaa waxaa ka faa'iideysan kara dadka aan dhibka u arkin in ay sii maraan magaalooyinka dalka Shiinaha oo ay khasab tahay in saacado lagu sugnaado, haddii diyaaradda la soo raacay ay tahay mid Shiinaha laga maamulo.

Inta badan dadka ku faraxsan taas ayaa waqtiga ay diyaaradda joogto waddankaas waxa ay socod ku maraan xarumaha ganacsiga iyo goobaha kale ee loo dalxiiska tago.

In kastoo ay dhinac ka tahay horumar, haddana dhanka kale waxaa jira dhinac loollan ah.

Dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in shiinuhu ay sare u qaadayaan tayada adeegyada gudaha dayaaradda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in shiinuhu ay sare u qaadayaan tayada adeegyada gudaha dayaaradda

Diyaaradahaas ayaa tartan xoog leh kula jira shirkadaha kale ee diyaaradaha ee iyagana laga leeyahay Yurub, Mareykanka, Aasiya iyo Bariga dhexe.

Caqabadaha kale ee heysta diyaaradaha Shiinaha waxaa ka mid ah in ay ku cuslaadaan lacagaha canshuurta ah ee looga qaado dalalka ay macaamiishooda geynayaan.

Sidaas awgeed waxaa in muddo ahba sii kordhayay tirada diyaaradaha Shiinaha ee ku soo biiraya duullimaadyada caalamiga ah.

Tan iyo 2010 wuxuu Shiinuhu dhisay 55 garoon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Tan iyo 2010 wuxuu Shiinuhu dhisay 55 garoon

Si loogu sii diyaar garoobo kobaca diyaaradaha waxaa waddanka Shiinaha laga dar dar galinayaa dhismaha garoomo ay isticmaalaan diyaaradaha.

Sannadkii 2010-kii waddankaas waxa uu lahaa 175 garoon oo diyaaradeed.

Maantana waxa uu leeyahay 230 garoon.

Andrew Herdman, oo ah agaasimaha shirkadaha diyaaradaha ee dalalka Aasiya ee ku teedsan badweynta Pacific ayaa sheegay in sababta kale ee diyaaradaha rakaabka ee shiinaha ay u sii kordhaan ay tahay tayada wanaagsan ee adeegyada ay u sameeyaan macaamiishooda.