Sawirro: Carwada Buugaagta Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilaabatay carwadii 4aad ee buugaagta oo ah carwo sannad walba la qabanayey dhowrkii sano ee u dambeeyey.
Sida uu sheegay Maxamed Diini oo ah madaxa guddiga qabanqaabada carwadaas, waxaa lagu casumay marti isugu jirta 38 xubnood oo ka kooban Soomaali iyo ajnabi.
Wuxuu intaa ku daray in sannadkan lagu soo bandhigay buugaag xambaarsan 178 cinwaan, kuwaasoo marka sannadkii hore la barbar dhigo 50 ka badan.
Carruurta ayuu sheegay in maalmaha ay carwadu socoto loo akhrin doono sheeko xariirooyin.
Sannadkan ayuu sheegay Maxamed Diini in diiradda lagu saarayo muhiimadda wax akhriska.
Carwada buugaagta Muqdisho oo socon doonta 3 maalmood ayaa la soo gunaanadi doonaa 17ka Agoosto.
Halkan hoose ka daawo sawirrada.


















