Sawirro: Saamaynta dheer ee Boortaqiisku ku leeyahay Zanzibar
Jasiiradda Pemba waxay kamid tahay jasiirado dhowr ah oo ku yaalla dalka Zanzibar oo dhawaan lagu qabtay munaasabad dhaqameed, waxay muujinaysaa saamaynta ay reebeen dhaqamadii jiray qarnigii 16-aad markii Bortuqiiska uu guumaysan jiray jasiiradahaasi.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke
Cayaar dhaqameedka lagu soo bandhigay Pemba waxaa la cayaari jiray xilliggii ay socdeen dhaqdhaqaaqi gumaysiga Bortuqiiska.
Bortuqiiska ayaa guumaystay dalal badan oo ka tirsan bariga Afrika, jasiiradda Zanzibar wuxuu guumaysanayay ilaa 200 oo sanno.
Khamisi Ali Juma oo ka tirsan matxafka Pemba ayaa sheegay in tuulada Pujini oo inta badan lagu qabto xafaladaha ay tahay goobtii ugu horreysay uu Bortuqiiska soo dego xilligi uu guumaysanayay halkan.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke
Cayaar dhaqameedka waxaa ka qayb ah caayaraha dagaalka dibida oo si wayn looga xiiseeyo jasiiradda Pemba.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke
Cayaaraha dagaalka dibida waxaa bilaabay Bortuqiiska, tusaale ahaa, Dibida ayaa lagu xiraya xarig goob fagaare ah sii uu madadaaliyo dadka goobta usoo daawasho tegay.
Bandhiggani waxay dadka rumaysan yihiin inuu astaan u noqonaya inuu roob yimaado, sida dhaqanku yahay cayaarta daagalka dibida waxaa la qaban jiray xilliga abaaraha.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke
Sidoo kale cayaar dhaqameedka waxaa kamid ah , cayaar lagu soo bandhigaya dameeraha oo ay dhalinyarada sitaan dallad, waxayna dusha ka saaran yihiin dameeraha.
Dadka ku dhaqan jasiiraddan ayaa si wayn uga qayb qaataa cayaaraha dameeraha.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke
Dadka wado dameeraha waxay kusoo labisteen dharka hiddaha iyo dhaqanka . dadka deegaanka waxaa gaadid u ah dameeraha, dhaqaalaha jasiiraddan kaalin wayn ayay dameeraha ka cayaaraan.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke
Cayaaraha baaskiilka ayaa qayb ah cayaar dhaqameedka lagu dhigay jasiiradda Pemba.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke
Haweenka iyo ragga waxay xiran yihiin dharka hiddaha iyo dhaqanka.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke
Bandhig dhanka doon wadidda ayaa ka qayb ah cayaar dhaqameedka.

Xigashada Sawirka, Catherine Tilke










