Kaartuun ‘loo ekeysiiyay’ Xi Jinping oo laga mamnuucay Shiinaha

Xigashada Sawirka, Getty/Laurie Sparham
Saraakiisha shirkaddaha aflaamta ee Shiinaha ayaa diiday in laga daawado dalkaasi filimka cusub ee Winnie The Pooh, ee shirkadda Kartuunada Disney Christopher Robin.
Majirto sabab lagu saleeyay go'aankan, balse waxaa la rumeysan yahay in go'aankaan uu qeyb ka yahay olole qaran oo ku saabsan tixraaca waxyaabaha ay daawadaan dalkaasi.
Saraakiisha Shiinaha ayaa ka tirtirayay baraha bulshada sawirada kartuunka Pooh tan iyo sanadkii lasoo dhaafay, kaddib markii kartuunka AA Milne uu noqday astaanta mucaaradka siyaasadd dalkaasi.
Arrintaan ayaa imaaneyso kaddib markii hoggaamiyaha Shiinaha XI Jinping la garab dhigay sawirka kaartuunka Bear.
Isbarbardhigan ayaana bilowday sanadkii 2013-kii, xiligaasi oo sawirka madaxweyne Xi Jinping oo la socda madaxweyne Barck Obama la garab dhigay sawirka kartuunka Pooh ee garab socda kaartuunka kale ee Tigger.
Kaddibna sanadkii 2014, sawirka madaxweyne XI Jinping oo gacan qaadaya ra'isal wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayaa waxaa la baahiyay sawirada kaartuunada Pooh iyo Eeyore oo garab yaalo.
Iyada oo arrintaan ay taagan tahay, ayaa saraakiisha Shiinaha waxa ay bilaabeen inay guud ahaan baraha bulshada ka tiraan sawirada kaartuunadan.
Sanadkii 2015-kii, sawirka madaxweynaha Shiinaha oo ka ag muuqdo sawir kartuunka Winnie the Pooh oo ku sawiran gaari nooca caruurta ayaa lagu sheegay inuu ahaa "sawirkii looga xakameynta badnaa Shiinaha".
Sidoo kale bishii June, Shiinaha ayaa xakameeyay shactaroolaha loo yaqaano John oliver iyo websiteka HBO kaddib markii martigaliyaha bandhiga Britain uu qeyb ka mid ah barnaamijkiisa Maraykanka., toddobaadkii lasoo dhaafay isaga oo dhaliiceeyay madaxweyne Xi Jiping iyo Shiinahaba.
Hay'adda caalamiga ee Global Risk Insights ayaa sheegeysa in faaf-reebka kaartuunka Pooh bear ay u badan tahay in la sameeyo sababtoo ah isbarbardhiga madaxweynaha iyo kaartuunka ayaa looga arkay Beijing inay tahay ''dadaalo xoogan oo wax loogu dhibayo madaxtooyada iyo madaxweynaha Shiinahaba''.
Filimka A Wrinkle in Time ee ay samaysay shirkadda Disney ayaa ka mid ah aflaamta loo diiday in lagu soo bandhigo Shiinaha horraantii sanadkan, balse shirkaddaasi ayaa rabta in aflaamta kala ah Skyscraper, Mission Impossible: Fallout, Ant-Man iyo The Wasp.











