Dad badan ayaa ku dhamaaday diyaaradan oo kusoo dhacday dalka Switzerland

Xigashada Sawirka, AFP
Illaa 20 qof ayaa ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Switzerland , waxayna diyaaradda ahayd mid la sameeyay xilligii dagaalkii labaad ee adduunka.
Diyaaradan oo magaceedu yahay U-52 HB-HOT ayaa waxa la sheegay in aysan lahayn sanduuqa madoow ee kaydiya jabaqda diyaaradda dhexdeeda, sidoo kale ma jirin qalabka raadaarka oo ku xirnaa maadaamaa ay ahayd diyaarad fac weyn.
Lama oga waxa sababay shilkan oo ay ku dhinteen dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa.
Rakaabkan ayaa waxa ay kasoo laabanayeen safar ay u tageen magaalada Zurich oo ay labo maalmood ku maqnaayeen.

Xigashada Sawirka, JU-Air






