Kane, xiddigii WWE, oo duq looga doortay Tennessee

Kane wuxuu caan ku ahaa inuu wajiga qariyo

Xigashada Sawirka, ALAMY/GETTY

Qoraalka sawirka, Kane wuxuu caan ku ahaa inuu wajiga qariyo

Xiddigii musaaracada WWE ee magaciisa uu ku caan baxay in laga baqo marka uu fuulo xayndaabka lagu cayaaro legdanka, ayaa loo doortay inuu duq ka noqdo magaalo ku taalla Tennessee.

Glenn Jacobs, oo dadka xiiseeya legdanka ay u yaqaanaan Kane, wuxuu ku guulaystay seddex meelood oo laba codadkii laga dhiibtay Knox county, isagoo ka adkaaday Linda Haney oo ka socotay xisbiga dimoqaraadiga.

51 jirkan ka socda xisbiga Jamhuuriga wuxuu ku tartamay arrimo ay ka mid yihiin shuruucda canshuuraha, kaabeyaasha oo la hagaajiyo iyo "daahfurnaan".

Waa xiddigii labaad ee ka tirsan WWE ee loo doorto xafiis dadweyne dalka Maraykanka, isagoo raacay raadkii Jesse Ventura.

Mr Ventura ayaa loo doortay duqa Brooklyn Park, Minnesota, 1990, isagoo markii dambena uga sii gudbay jagada barasaabka ee iyada qudheeda doorashada loo galo 1998.

Mr Jacobs ayaa heer sare ka gaaray musaaracada WWE bartamihii 90 meeyadii, xilligaasoo magaciisa Kane uu caaddaas marayey. Wuxuu isticmaali jiray waji gashi, waxayna walaalo yihiin Undertaker.

Wuxuu aaminsan yahay in cayaartu ay magac iyo faa'iido u soo jiidday

Xigashada Sawirka, TWITTER

Qoraalka sawirka, Wuxuu aaminsan yahay in cayaartu ay magac iyo faa'iido u soo jiidday

Inkastoo muddadii uu cayaarta ku jiray lagu tilmaamay "bahal waxshi ah", misna Mr Jacobs wuxuu rumaysan yahay in legdanka uu caawiyey ee uusan dib u dhac u keenin.

"Waxa uu qof sidaydoo kale kale ah ku soo kordhiyo tartan noocan oo kale ah ayaa wuxuu yahay qofka aan ahay darteed, waxaan Knox County ku soo kordhin karaa iftiin wanaagsan marka loo fiiriyo si heer qaran ah" ayuu u sheegay warbaahin maxalli ah oo la yiraahdo WBIR.

"Waxaa jira waxyaabo badan oo wanaagsan oo dalkeennu uu noo hayo, run ahaantiina, dalka intiisa kale waxay doonayaan inay wax ka ogaadaan" ayuu sii raaciyery.

Saaxiibadiis WWE ayaa si degdeg ah ugu soo hambalyeeyey.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan