Sawirka Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Qalbi Dhagax: Qiraalkii uu bixiyay ka dib siideyntiisii

Xigashada Sawirka, Ra'iisul Wasaare Rooble
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Nairobi kula kulmay Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax, oo sannadkii 2017-kii ay dowladda u dhiibtay Itoobiya.
Dadka isticmaala Baraha Bulshada ayaa si wayn u hadal-haya kulanka, balse lama oag waxa ay ka wada hadleen, Rooble iyo Qalbi-Dhagax.
Qalbi Dhagax wuxuu ka mid yahay hogaankii dhanka ciidamada ee ONLF (Jahbhadda Xureynta Ogaadeeniya). Wuxuuna muddo ku noolaa Soomaaliya.
Bishii September ee sannadkii 2017-kii, waxaa soo baxday in Qalbi Dhagax oo laga soo qabtay magaalada gaalkacyo, la geeyay Muqdisho, ka dibna lagu wareejiyay Itoobiya oo u qaaday dalkeeda. Waxaana la dhigay Xabsi.
Dawladda Soomaaliya waxay xilligaas ku adkeysatay in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ay ahayd mid loo maray sharciga.
Kullankiisa Ra'iisul Wasaare Rooble ee Nairobi, waxay ka dhigan tahay in markii ugu horreysay uu la kulmay masuul xil sare ka haya dowladda, tan iyo markii la soo daayay.
Dadka u ololeynayay ka dib markii Itoobiya loo dhiibay, waxay dhowr goor dalbadeen in raali gelin laga bixiyo dhacdadaas iyo in ONLF lagu tilmaamay argagixiso.
Qalbi Dhagax wuxuu xabsiga ka soo baxay bishii June, 2018-kii, wuxuuna magaalada Nairobi ee dalka Kenya yimid bishii July ee isla sannadkaas. Waxaa loo qabtay xaflad wayn oo soo dhoweyn ah.
Soo dhoweyntii Qalbi Dhagax ee Nairobi
Markii xabsiga Itoobiya uu ka soo baxay, Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, wuxuu u safray magaalada Nairobi. Goob xaflad loogu qabtay ayuu si faahfaahsan ugaga hadlay xarrigiisii iyo sidii loola dhaqmay.
Qaar ka mid ah arrimihii uu uga hadlay khudbadii uu jeediyay xilligaas:
Soo deyntii Qalbi Dhagax
C/kariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) waxaa dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya oo uu mudda ku xirnaa.
Qalbidhagax oo marki la soo daayey Addis Ababa shacabka kula hadlay ayaa wuxuu ku nuuxnuuxsaday aadna ugu dheeraaday sida umadda Soomaaliyeed ay uga dhiidhiday dhiibitaankiisa.
Qalbidhagax ayaa intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay guulaysan doonaan, "waxay ka guulaysan doonaan rag kasta oo cadawgooda iyo xaasidkooda ah, waxay ku guulaysan doonaan Illaahay magaciisa, kartidooda iyo iimaankooda, waxay noqon doonaan umad gaadha aayahooda iyo qiyamka umadooda.
Wuxuu sheegay inuu xoojin doono sidii umadda Soomaaliyeed ''dib loogu mideyn lahaa."

Xigashada Sawirka, .
Soo dhaweynti Qalbi Dhagax ee Nairobi
C/kariim Sheekh Muuse (Qalbidhagax) waxaa si weyn oo aan horay looga soo dhaweyn qof siyaasi ah oo jinsiga Soomaalida leh looga soo dhaweeyey Gigagada diyaaradaha caalamiga ee Jomo Kinyatta halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen boqolaal shacab ah oo Soomaali ka kooban.
Maalintii axadda ee ay taariikhda ku beegnayd 8-da Luuliyo ayaa waxaa xarunta caalamiga ah ee shirarka Nairobi ee KICC loogu qabtay xaflad ay kasoo muuqdeen siyaasiyiin Soomaali ah oo ku jira dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiyaba, halkaas oo uu Cabdikariim ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaaladiisa.
Cabdikariim oo hadalkiisa ku bilaabay in uu yahay muwaadhin Soomaaliyeed ayaa sheegay in wixii ku dhacay ay madda Soomaaliyeed u ahayd maslaxo caam ah oo umadda Soomaaliyeed iisu keento.
Halganka Xornima doonka umadda Soomaaliyeed
Cabdikariim waxa uu yiri "Halgamada xornima doonka umadda Soomaaliyeed ONLF meysan billaabin dagaallada xornima doonka Soomaalidu, wuxuu soo billaawday qarnigi 16aad, Axmed Gurey, Seyid Maxammed Cabdille Xasan, halganki SYL, Jeeshkii Nasrullaah, Halgankii 1977 ee Soomaali Galbeed dhammaantood waxaa lagu raadinayey dhul iyo qaddiyadda umadda Soomaaliyeed".
Wuxuu intaasi ku daray "Halganka maanta ay ONLF hoggaamineyso waxuu ka mid yahay oo uu daba socdaa halgamadi umadda Soomaliyeed waxa la doonayaana waa hal dad, waa hal dal, waxaana la xureynayana waa hal umad".
Waxa uu u mahadceliyay baarlamaanka Soomaaliya iyo dadka Soomaalida oo si weyn dareenkooda u muujiyay markii ay soo baxday in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u dhiibtay Cabdikariim Qalbi Dhagax.
Qalbidhagax marka la dhiibayey see loola dhaqmay?
Markii ugu horeysay waxa uu Qalbi Dhagax iftiimiyay sidii loola dhaqmay markii laga qabtay magaalada Gaalkacayo sanadkii hore , wuxuuna yiri "Aniga oo ah C/Kariim Shekh Muuse (Qalbidhagax) waxaan muwaadin Soomaaliyeed oo u soo dagaallamay dalka Soomaliyeed, aniga oo dagaal ku jira yaan ku qaan gaaray, weligeey shaqa guud mooyee shaqa gaar ah maanan qabanin waxaan u soo dagaallamay nafteydii iyo dhiiggeyga oo aan u huray dadka Soomaaliyeed". .
Dunidan aan ku noolahay guri kuma lihi, boos kuma lihi, hanti kuma lihi, oo xoola kuma lihi intaaba intaan ka tagay ayaan danta umadda u baxay.
"Haddaba marki aan arkay sida ay iila dhaqantay dowladda Soomaaliyeed, qaabki ay u shaqeysay marka hore Gaalkacyaa la iga qabtay seddex habeen baa la igu hayey si fool xun oo ihaana ah ayaa la iila dhaqmay. Waa la iga soo qaaday, Muqdisho ayaa la keenay waxaa la iila dhaqmay si fool xun oo ihaana ah. Markii aan arkay inta la igarba duubay aniga oo caga cad, oo qaawan la igu wareejiyey ciidanka Itoobiya waxay ahayd arrin aad iyo aad iiga careysiisay aadna ii xanuujisay, iigana nixisay" ayuu yiri Qalbi Dhagax oo dadkii dhagaysanayay ay ilmo kusoo joogsatay indhahooda.
"Godey markii la i geeyey waxaa isku soo baxay Soomaalidi Godey joogtay inteedi xumeyd, dhaanto ayey igu dul qabsadeen aflagaadda markay ii miiseen seey ii caayanayeen markii la iga qaaday aniga oo ihaaneysan oo katiineydsan oo lugaha ka xiran, oo gacmaha ka xiran oo indhaha ka xiran waxaan aaminay inaanan dal lahayn".
Waxa uu intaas ku daray in uu qalbiga u dagay markii uu arkay in 30 milyan oo Soomaali ah ay dareenkooda muujiyeen, kana xumaadeen in isaga la dhiibay.
Waxa uu sheegay in dadkii sida xun ula dhaqmay ay ahaayeen kuwa yar, isaga oo xusuusiyay in ay u furantahay toowbad keen.

Xigashada Sawirka, .
Qalbidhagax yuu u mahadceliyey
- Umadda sooomaaliyeed meel walba oo ay joogto
- Bahda saxaafadda ee ku hadasha Afka-Soomaaliga.
- Baarlamanaaka Soomaaliya iyo Xildhibaannada labada gole.
- Ra'isul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo go'aansaday isaga oo maxabuus ah oo god salkii ku jira inuu ka soo saaro, si sharaf iyo maamuus lehna u sii daayo kuna marti qaaday xafiiskiisa.
- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo uu sheegay in siidayntiisa uu kala hadlay ra'isulwasaare Abiy.
- Dowladda Kenyana waan u mahadcelinayaa sida ay umadda Soomaaliyeed u martigelisay.
- Hay'adaha xuquuqal insaanka gaar ahaan HRW oo warbixin cad ka soo saartay.
Muxuu Soomaalida kula dardaarmay?
- Midnimo iyo is cafin
- Madaxda Soomaaliyeed wuxuu kula dardaarmay daacadnimo maadaamaa ay beri xilka tagayaan sida uu hadalka u dhigay.
- Madaxda Somaliland iyo Puntland wuxuu kula dardaarmay dhibaatada Tukaraq ka jirta sida ay wax u dhacayaan ay tahay wax laga xumaado dad soomaaliyeed baa ku dhintay dhul ka mid ah dhulki Soomaaliyeed in dad Soomaali ah la isugu dila ma ahe waxaan leeyahay dadkiina dhibaatada ka saara oo dagaalka joojiya.
- Soomaalida dhexdeedana wixi khilaaf ah iney wanaag iyo wadahadal ku dhammeeyaan.
Ballan qaadka Qalbidhagax?
- Inuu dadka Soomaaliyeed ula dhaqmo si aan eex qabyaalad qof jeceleysi midna aan lahayn.
- Inuu qayb ka noqdo xal u helidda iyo iisu furidda quluubta dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah kana shaqeeyo inta uu nool yahay.
- Inuu ka shaqeeyo sidii uu dadka Soomaaliyed u walaaloobi lahaa gacmahana iisu qabsan lahaa uu qorshahiisu yahay.
- In uu isu taago raadinta dal Soomaaliyeed iyo dad Soomaaliyeed oo mid ah.
- Waxuuna sheegay inuu aaminsanahay waxii khilaaf ee umadaha, dowladaha iyo ururradaba u dhaxeeya in wadahadal iyo si nabadgalya ah lagu dhameeyo oo aan umadda la gelinin dagaal aan dhammaaneyn.
Baaqa uu soo jeediyey?
Cabdikariim ayaa dhanka kale sheegay in Ra'isulwasaaraha Itoobiya uu go'aan rasmi ah ka gaarayo arrimaha quseeya guud ahaan Itoobiya, gaar ahaan gobolka Soomaalida, wuxuuna dadka ugu baaqay in fursadaas sida ugu wanaagsan ay uga faa'iideystaan.














