Weerar lagu qaaday xarunta Otto Otto ee Muqdisho

Xigashada Sawirka, Abdirizak Atosh/BBC
Qaraxa ayaa la sheegayaa in laga maqlay meel u dhow isgoyska sayidka, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray xerada Otto Otto oo xarun u ah wasaaradda arrimaha gudaha.
Qaraxa ka dib ayaa rasaas la maqlay, waxaana ku xigay qarax kale.
Wararka laga helayo dad jooga meel u dhow halka uu qaraxu ka dhacay waxay sheegayaan in loo badinayo weerarku inuu yahay mid qorshaysan, dableydii qaaddayna ay gudaha u galeen xarunta Otto Otto.
Xerada Otto Otto waxay ka soo horjeeddaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna qiyaastii in ka yar hal KM u jirtaa madaxtooyada Soomaaliya.
Xaalad jaha-wareer ah ayaa nawaaxigaas oo dhan ka jirta, lamana oga khasaaraha inta uu le'eg yahay.
Wixii soo kordha halkan ayaan idinkugu soo gudbinaynaa.






