Carruur la la'aa oo ayagoo nool laga helay bohol

Muuqaalkii ugu horreeyey ee carruurta oo nool
Qoraalka sawirka, Muuqaalkii ugu horreeyey ee carruurta oo nool

Kooxaha samata bixinta ayaa ku hawlan sidii ay 12 wiil iyo tababarahoodii kubadda cagta u soo saari lahaayeen, kuwaasoo la helay ayagoo nool oo ku dhex jira bohol ay biyo ka buuxaan, dalka Thailand.

Muddo 9 maalmood ah ayaa la la'aa. Muuqaallo Fiidiyoow oo laga soo duubay ayaa muujinaya markii ay quusayaal British ah ay la kulmeen carruurtaas oo diif ay ka muuqatay,kuwaasoo ku sugnaa meel qallalan laakinse ay biyo ku hareereysnayeen.

Qaar ka mid ah waalidiinta carruurta oo ku faraxsan in caruurtooda la helay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah waalidiinta carruurta oo ku faraxsan in caruurtooda la helay
Waa wiilasha iyo tababarahooda

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Waa wiilasha iyo tababarahooda

Cunno iyo dawo ayaa loo qaaday.

Kooxaha samata bixinta ayaa iminka go'aan ka gaaraya in ay kooxdaas soo dhex mariyaan marinnada ay biyuhu ka buuxaan, ayadoo la isticmaalayo qalabka quusidda, ama ay sugaan ilaa inta ay tabartooda uga soo noqonayso oo biyahana dibadda loo soo bam garaynayo.