Somaliland oo abaal-marino lagu gudoonsiiyey arday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay abaal-marino qaali ah guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha sare ka gashay tartanka xiftinta Qur'aanka kariim ah ee heer gobol oo uu madaxweynuhu maal-geliyey.
Tartankaan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Arrimaa Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland kaas oo sanad walba bisha Ramadaan lagu qabto Masjidka Cali Mataan ee Hargeysa oo ay ku tartamaan gobolladu.
Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu abaal-marinnadii ay mutaysteen guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha ugu horreeya ka gashay tartankaas quraanka oo kala ahaa.

XamseMaxamuud Yaasiin oo ka socda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa uu ku guuleystay kaalinta koowaad, waxaana lana guddoonsiiyey Baabuur, qaddar lacag ah iyo abaal-marin kale oo qaali ah.
Kaalinta labaad waxaa galay Ridwaan Axmed Faarax oo ka socda gobolka Awdal, waxaana la guddoonsiiyey abaal-marin lacageed oo dhan $1,300 (Kun iyo saddex boqol oo doolar) Laptop.
Halka Xamse Cismaan Cabdilaahi oo ka socday gobolka Togdheer uu kaalinta saddexaad ku guulaystay, lana guddoonsiiyey abaal-marin lacageed oo dhan $1,000 (Kun) Dollar iyo Mobil.
Kaalinta Afraad-na waxaa soo galay oo ku guulaystay Samatar Naasir Xasan oo ka socday gobolka Awdal oo isna la gudoonsiiyay 700 doolar.






