Shirkadda Visa oo raaligalin ka bixisay cillad ku timid kaararka

Dukaamada qaarkood ayaa diiday kaararka

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Dukaamada qaarkood ayaa diiday kaararka

Shirkadda kaarar wax lagu iibsado ee Visa ayaa raaligalin siisay macaamiisheeda ku sugan qaaradda Yurub kadib markii ay dhacday cillad dadka u suurtogalin weysay in ay wax ku iibsadaan kaararka.

Waxa kale oo ay shirkadda sheegtay in cillada aysan keeni doonin in lacagaha la xado ama dadka laga shubto.

Dad badan oo meelo kale duwan u dukaamaysi tagay ayaa iyaga oo alaabihii wata ku xayirmay safaf dhaadheer, maadaamaa ay suurtoobi weysay in uu kaarka u shaqeeyo.

Dalka UK , marka aad kaarkan isticmaalaysid markasta waxaa lagaa jarayaa qarash u dhaxeeya £1 oo lacagta Ingiriiska ah.

Ururka u dooda xuquuqda Macaamiisha UK ee Which ayaa dadka kula talisay in ay meel dhigtaan cadaymaha ku saabsan qarashaadka dheeraadka ah ee ay galeen, si hadhoow loogu celiyo lacagta ka qasaartay.