400,000 oo caruur ah oo ku gaajoonaya Dalka DR Congo

Qaar ka mid ah caruurta ugu geeriyootay baahida gobolka Kasai.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah caruurta ugu geeriyootay baahida gobolka Kasai.

Qiyaastii 400,000 oo caruur ah ayaa halis ugu jira inay baahi ugu dhintaan gudaha dalka Jamhuuriyada Dimoqaraadiga ee Congo, sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay.

Kumanaan qoysas ah oo ku sugan gobolka Kasai ayaa u qaxay baadiyaha fog, halkaasi oo ay joogeen dhowr bilood, oo caruur badan ay ugu dhinteen cunno yari iyo biyo la'aan.

Gobolka Kasai, ayaa mar ahaan jiray kan ugu barqaada iyo nabad gelyada badan dalka Jamhuuriyada Dimoqaraadiga, waxa uuna madaxa la galay rabshado sanadkii 2016-kii.

Hay'adda Qarmaada Midoobay u qaabilsan caruurta ee Unicef ayaa ku yaboohday 88 milyan oo doolar si loo gargaaro caruurta ku sugan gobolkaasi.

Afhayeen u hadlay hay'adda Unicef Christophe Boulierac, ayaa sheegay in gurmad yaridu ay tahay mid laga walaaco "Dhab ahaatii waan ka naxay waxa aan ku arkay halkaasi." Ayuu intaasi ku daray afhayeenku.

Waxa uu u sheegay BBC Christophe Boulierac, inuu booqday saddex isbitaal oo ku yaalla gobolka Kasai uuna soo arkay caruur la tabaaleysan nafaqadarro baahsan.

Markii aan kusoo noqday halkaasi dhowr maalmood kaddib, ayuu yiri dhowr caruur ah ayaa halkaasi baahi ugu dhimatay.

Fergal Keane ayaa soo sheegaya wadada gaajada ee DRC ee gobolka Kasai.
Qoraalka sawirka, Fergal Keane ayaa soo sheegaya wadada gaajada ee DRC ee gobolka Kasai.

"Ma oraneyno incaruurtu ay halis ugu jiraan inay nafaqadarro ugu geeriyoodaan gobolka Kasai, waa ay u dhimanayaan, waa ay ugu dhinteen baadiyaha gobalkan".

Haatan, qaar ka mid ah caruurta ayaa ku noqonaya tuulooyinka ay dagaaladu burburiyeen halkaasi oo aan wax dalag lagu beerin dhawaanahan.

Hay'adda Unicef ayaa ku qiyaaseysa in ku dhawaad afar milyan oo qof oo ku sugan gobolka Kasai ay u baahan yihiin gargaar bani'aadanimo. Caruurta ay heyso nafaqadarradu ayaa ah kuwa ugu nugul geerida.

Haddii aanan si degdeg ah loo caawinin caruurtaan ayay hay'addu sheegtay in caruur badan oo ka mid ah ay baahin u dhiman doonaan.

Hay'adda Unicef, waxa ay intaasi ku dareysaa in ay dooneyso inay balaariso xarumaha quudinta, tababarida shaqaale caafimaada, iyo in ay taageero u fidiso caruurta sida qasabka ah ay u askareeyaan kooxaha hubeysan.

Bishii Disembar 2017, Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in dhibaatada ka jirta DRC ay tahay heerka ugu sarreeya ee xaaladda degdegga ah - sida Yemen, Syria iyo Ciraaq

Dhibaatadan ayaa ka dhalatay koox fallaago ah oo ka carootay aqoonsiga dowladdu ay siisay hogaamiye dhaqameedka lagu magacaabo Kamina Nsapu, kaaso oo badelkiisa ay iyagu wateen hoggaamiye kale.

Gobolka Kasai ayaa haatan waxaa ka jira dhibaatooyin ka dhashay cuno yarida, kaddib markii ay barakaceen beeraleydii halkaasi degankaa kuwaasi oo haatan aanan beeran karin raashiin ayku quudiyaan qoysaskooda.