DRC: "Shil tareen oo dilay 33 ruux"

Shil tareen oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayay ku dhinteen 33 ruux, sida ay ku waarrantay Idaacadda Qarammada Midoobay ee Okapi.
Shilkaasi wuxuu ka dhacay Buyofwe oo ka tirsan gobolka Lualaba ee Koonfurta dalkaas.
Idaacadda Okapi ayaa ku warrantay in tareenku uu dab qabsaday markii uu shilka galay ka dib, sida ay wararku sheegayaanna wuxuu waday waxyaabo ay sahlan tahay in uu dabku qabsado oo holcaan.
Tareenka ayaa ukala safrayay Lubumbashi oo ah caasimadda labaad iyo magaalada Luena oo 2,000 oo kiiloo mitir u jirta magaalada caasimadda ah ee Kinshasa.
Badhasaabka gobolka Lubumbashi ayaa BBC-da u sheegay in uu shil dhacay balse uusan xaqiijin karin tirada dhimashada.






