Puntland: Badmaaxiin u dhashay Iiraan oo la sii daayay

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta sii deysay 17 badmaax oo u dhashay dalka Iiraan, kuwaas oo ay hore u xukuntay maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari, Puntland.
Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare ee Puntland Nuux Ciise ayaa sheegay in raggan bishii Tobnaad laga soo qabtay xeebaha Puntland iyagoo si sharci darro ah u kalluumeysanaya.
Howlgalkii lagu soo qabtay badmaaxiintan ayaa waxaa ku dhintay kabtankii doonta ay wateen, maxkamadda sare ayaana diyada kabtanka ku xukuntay inuu bixiyo milkiilaha shirkadda kalluumeysi.
Doontii ay badmaaxiintan ku kalluumeysanayeen ee Al-saciidiyah ayaa sidoo kale loo xukumay dowladda Puntland, maaddaama ay si sharci darro ah ku kalluumeysanayeen sida uu sheegay Nuux Ciise.
Puntland ayaa dagaal kula jirta doomaha shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaheeda, waxaana
Maxkamadda sare ee Puntland ma aysan sheegin sababta sii deynta badmaaxiintan Iiraan u dhashay, waxayse sheegtay inay burisay xukunno ay hore u rideen maxkamadda darajada koowaad iyo racfaanka ee gobolka Bari.







