Hoggaamiyeyaasha caalamka miyay fahmeen fanka la dhaqanka Donald Trump ?

Donald Trump iyo Emmanuel Macron oo hab isa siinaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Soo koob hadalka, hana u malayn in uu garanayo taariikhda dalkaaga ama qodobada uu ka duulayo. Ku ammaan guushii uu ka gaaray doorashadii dhacday 2016-kii, la barbardhig Barack Obama oo isaga sareysii, hana soo hadal qaadin waxyaabihii la yiri xiligii ololaha doorashada".

Bishii May ee sanadkii hore markii uu Trump isu diyaarinayay in uu aado safarkiisii ugu horeeyay ee dibedda, wargeyska New York Times waxa uu qoray in dublamaasiyiinta adduunka ay isku dayayeen in ay ogaadaan sida ay u wajihi lahaayeen nin ay u malaynayeen in uusan xafiiska ku guuleysan doonin.

Wixii markaas ka dambeeyay hoggaamiyeyaasha adduunka waxa ay la qabsadeen sida loola dhaqmo Trump, tiro ahaana waa ay sii kordheen kuwa sida wanaagsan ula macaamila ninkan.

Ku hadal luuqadiisa

Benjamin Netanyahu ayaa ka mid ah dadka fahmay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Benjamin Netanyahu

Todobaadkan Ra'isulwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in wax badan ay kasoo kordheen heshiiskii Nuyuukleerka ee lala gaaray Iran, isaga oo sheegay in Iran ay ka been sheegtay ujeedooyinka ay ka lahayd heshiiskii ay gashay.

Dadka siyaasada u dhuun duleela waxa ay sheegeen in Netanyahu uusan sheegin wax cusub, balse taas micnuhu ma ahan.

Trump ayaa sheegay in uu go'aan ka gaari doono heshiiska in uu ka baxayo iyo in kale, waxayna u egtahay in hadalkii Netanyahu uu saameyay Trump oo lagu yaqaano in uu yahay nin aan wax badan akhrinin, dulqaadkiisa uu yaryahay, si weyna u daawada wararka (qaar ka mid ah )taleefishanada.

"Netanyahu waa uu garanayaa Trump, waxa uu ogyahay in uu taleefishinada daawdo, sidaas darted shirkiisa jaraa;id wuxuu ka dhigay mid toos uga baxayay taleefishinada" sidaas waxaa tiri Suzanne Maloney oo ka tirsan mac-hadka Brookings , kuna xeeldheer arrimaha Iran.

Trump ayaa guul weyn u gacangaliyay Netanyahu kadib markii uu ku dhawaaqay in safaaradda Maraykanka loo rarayo magaalada Qudus. Maadaamaa uu hadda heshiiska Iran ku tilmaamay "kii ugu xumaa"ee la galo, taasna waxaa laga yaabaa in guul kale uu u gacangaliyo Netanyahu.

Dhis xiriir gacaltooyo

Donald Trump iyo xaaskiisa Melania oo Beijing ku sugan

Xigashada Sawirka, AFP

Markii ugu horeysay, uma muuqan in Trump iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ay isla jaanqaadayaan, kulankoodii koowaad salaam gacan-qaad ah oo dheer, sina u yara qaldanayd ayaa dhexmaray.

Balse wixii markaas ka dambeeyay xaaladda waxa ay isu badashay dhunkaso iyo dhabar iska taabasho. Trump markii uu ka qeybgalay dabaaldegii ciidammada Faransiiska ee Bastille Day, wuxuu aad ula dhacay sidii hawshu u dhacday, isaga oo sheegay in dabaaldegaas oo kale uu Amerika ka samayn doono.

Xiriirka labada nin ka dhaxeeya waxa uu noday mid miro dhalay sida ay ku waramayso wariyaha BBC-da Lucy Williamson maadaamaa Faransiiska ay kaalinta koowaad ka galeen Jarmalka iyo Ingiriiska marka laga hadlayo xiriirka lala leeyahay Maraykanka.

Balse si la mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka, Macron waa in uu ka fikiraa xiriirka uu la leeyahay hoggaamiyaha lagu kala qeybsanyahay ee Maraykanka.

U ekeysii ganacsi oo kale

Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel waxaa loo arkaa in aysan isku wanaagsanayn Trump marka lala barbardhigo Macron, iyada oo xitaamarkii ay kulmeen aysan jirin salaan gacan-qaad ah.

Balse waxaa la sheegay in labada hoggaamiye ay meel wax isla dhigeen shirarkii albaabada u xirnaa oo ay galeen, xiriirkooduna uu yahay mid xirfadyahanimo ah.

Mar Merkel wax laga weeydiiyay xiriirka kala dhaxeeya Trump ayaa sheegtay in uu yahay mid ku saabsan danaha labada dal, balse aysan meesha ku jirin saaxiibtinimo shaqsiyadeed. Waxa ay isku dayaysaa in ay xitaa saameyn ku yeelato Trump iyada oo isticmaalaysa xubnaha qoyska Trump, waxaana dhacday in ay kursiga aabaheed ku casuumtay Ivanka Trump mar uu shir ka dhacayay magaalada Barlin.

Guusha isaga sii

Donald Trump iyoEmmanuel Macron

Xigashada Sawirka, AFP

Galaangalka dublamaasiyadeed ee laga sameeyay Kuuriyada Waqooyi waxa ay ahayd arrin aanan xitaa aanan laga fikiri karin sanad ka hor, waxaana dhacaya kulan dhexmaraya Trump iyo Kim Jong-un.

Trump ayaa qaatay ammaanta guusha dublamaasiyadeed ee la gaaray, isaga oo meel fagaare ah ka sheegay in cadaadiska lagu hayo Kuuriyada Waqooyi uu yahay mid shaqeeyay.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa ammaanay kaalinta Trump ee wadahadalada lala wado Kuuriyada Waqooyi, isaga oo xitaa soo jeediyay in la siiyo abaalmarinta Nobel-ka ee nabadda adduunka.

Moon ayaa lagu yaqaanaa in uu doorbidayo dublamaasiyad in lagu dhameeyo mashaakilka gacanka Kuuriya, waxaana la leeyahay in ammaanta Trump uu u jeedinayo ay tahay mid uu waddada kusii xaaranayay.

Sasabo

Markii sanadkii hore uu tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxa uu la kulmay soo dhaweyn aanan horey loo arag, iyada oo garoonka diyaaradaha loo fidiyay roog guduudan, waxaana soo dhaweyntaas lagu tilmaamay (soo dhaweyn iyo nus).

Isaga iyo xaaskiisa Melania waxa ay ka casheeyeen magaalada Xaaraam ama Forbidden City oo muddo dheer fadhi u ahayd boqoradii Shiinaha.

Ogoowe, Trump waa kii markii uu ku jiray ololaha doorashada Shiinaha ku tilmaamay 'mid kufsanaya' dhaqaalaha Maraykanka, balse markii uu la kulmay ganacsatada waxa uu sheegay in uusan Shiinaha ku eedeyn karin nidaamkeeda ganacsi.

Mike Chonoy oo ah xeeldheer Bariga Aasiya ayaa sheegay in Shiineeska ay fahmeen kaartada loola dhaqmo Trump, taasna ay tahay in la iska sasabo.