Israa'iil oo xabsiga ka sii deysay muhaajiriin Afrikaan ah

Qaar kamid ah muhaajiriinta ayaa ka hor yimid qorsheyaal dib u dejin loogu samayn lahaa dalka Uganda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaar kamid ah muhaajiriinta ayaa diiday qorshe dib u dejin loogu samayn lahaa dalka Uganda.

Israa'iil ayaa xoriyaddooda dib u siisay 207 qof oo muhaajiriin Afrikaan ah oo ku xirnaa xabsiyada dalkaasi sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP

Xukuummadda Israa'iil ayaa wali wadahadal kula jirta dal saddexaad oo la rumaysanyahay inuu yahay Uganda si uu u qaabilo muhaajirintan oo ka soo kala jeedo dalalka Eritrea iyo Sudan.

Dowladda Uganda ayaa Jimcihii sheegtay inay qaabili doonto ilaa iyo 500 oo muhaajiriin Afrikaan ah.

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Israa'iil ayaa u qabatay ra'iisulwasaare Benjamanin Netanyahu ilaa iyo maalinka Axadda ah si uu soo gabagabeeyo tarxiilidda muhaajiriinta Afrikaanka ah ee dalkaasi ku sugan.

Maxakammaddu ayaa sido kale amartay ''in dadkan xabsiyada laga sii daayo haddii aan la tarxiilin wakhtiga kama dambeysta ee ay u qabatay'' oo ahayd Axaddii aan soo dhaafnay.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa ku gacan seyray heshiis ay soo hindhistay hay'adda qaxootiga e UNHCR oo lagu xallin lahaa xaaladda muhaajiriin ay tiradoodu gaaraysa 37,000 oo ku nool Israa'iil.

Mr Netanyau ayaa waxaa uu sheegay inuu diiday heshiskaasi kaddib markii uu wadatashi la qaatay dadka ku dhaqan deegaanka koonfurta Tel Aviv halkaas oo hoy u ah muhaajiriin badan.

Bishii Janaayo ayay ahayd markii, Israa'iil ay u sheegtay muhaajiriinta ragga ah inay ku laabtaan Afrika haddii kale ay wajihi doonaan xabsi.