Kim Jong-un ma tareen buu ku tagay Shiinaha?

A tweet showing pictures of the alleged North Korean train

Xigashada Sawirka, Twitter/MartynWilliams

Qoraalka sawirka, A tweet showing pictures of the alleged North Korean train

Tareen la rumaysan yahay in uu saaran yahay masuul sare oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay ayaa tagay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, sida ay ku warrantay warbaahinta Japan.

Warbaahinta Bloomberg ayaa sheegtay in qofka saarnaa uu ahaa Kim Jong-un laftirkiisa waxayna soo xigteen saddex ilood oo aysan magacaabin.

Shiinaha ayaa ah dalka wayn ee kali ah ee xulafada la ah Kuuriyada Waqooyi - laakiin calaaqaadkooda waxaa gaabis ka dhigay qorshaha nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxaa loo arkaa in Kim uusan dalkiisa ka bixin tan iyo markii uu xilka la wareegay toddoba sano ka hor.

Ma jiraan warar rasmi ah oo safarka Kim ku saabsan oo la shaaciyay, warbaahinta Shiinaha iyo midda Kuuriyada Waqooyina kama aysan hadlin, haddiise ay dhacdo in uu safarkaas galay waxaa loo arki doonaa hormar wayn oo laga sameeyay dhanka dublamaasiyadda.

"Dawladdu waxay si dhaw ula xiriiraysaa dawladaha ku haboon waxayna qiimaynaysaa xaaladda" ayuu yiri afhayeen u hadlay Kuuriyada Koonfureed.

Masuul sare oo loo malaynayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa gaaray magaalada Beijing

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Masuul sare oo loo malaynayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa gaaray magaalada Beijing

Muuqaal ay soo bandhigtay warbaahinta Nippon News Network ee fadhigeedu yahay Tokyo ayaa muujinaya tareen liidmo jaale ah leh. Warbaahintaasina waxay intaas ku dartay in uu u egyahay midkii uu Kim abaahihii Kim Jong-il isticmaalay markii uu Beijing booqday sannadkii 2011kii.

Kim Jong-il booqashadiisana waxaa la xaqiijiyay oo kali ah markii gaaray Beijing.

Qof dukaan ku hor leh boosteejada tareenka ee Beijing ayaa sheegay in uu Isniintii arkay xaalad ka duwan wixii uu arki jiray.