Britain oo koobka adduunka ee Ruushka ka dhici doona dhaliilsan

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ruushka Boris Johnson ayaa la barabar dhigay habka uu madaxweyne Putin u dhiirri galinayo koobka K/cagta ee adduunka ee Ruushku martigalinayo mid la mid ah sidii uu Hitler ugu adeegsaday 1936kii cayaarihii Olombikada e Berlin.
Boris Johnson wuxuu sheegay in mudanaha ka tirsan xisbiga shaqaalaha, Ian Austin, uu "gabi ahaanba ku saxsanaa"inuu sheego in madaxweynaha Ruushka uu "dhaldhalaalinayo rajiimkiisa arxan laawaha ah ee musuqa ku dhisan".
Mr Johnson wuxuu sheegay in Ruushka uu "wadahadallo degdeg ah kala yeelan doono bedqabka taageerayaasha dalkiisa inta tartanku socdo.
Gabar afhayeen ah oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda waxay sheegtay in uu hadalakaas nacayb xambaarsan yahay.
Hase yeeshee afhayeen u hadlay Downing street ayaa sheegay in Mr Johnson uu ku hadlayey afka xukuumadda, ayna si dhow ugala shaqaynayaan booliska qorshayaasha koobka adduunka.
Ilaa hadda 24,000 oo codsi ayey taageerayaasha England ku dalbadeen ka qayb galka koobka adduunka ee xagaaga dhacaya, marka la barbar dhigo 94,000 oo ay dirsadeen markii loo diayaar garoobayey cayaarihii Rio 2014.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo cilaaqaadka Ruushka iyo Britain uu meel xun marayo, ka dib markii Britain ay ku eedeysay Moscow in ay ka dambaysay sumayn la sumeeyey basaas hore oo Ruush ah iyo gabar uu dhalay.






