Gabadh xijaabka wax ku xayaysiisa oo isaga baxday barnaamij xayaysiin timaha ah

Xigashada Sawirka, AMENAOFFICIAL/INSTAGRAM
Gabadh muslimad oo u dhalatay dalka Britain islamarkana waxyaabaha la isku qurxiyo ku xayaysiiso baraha internet-ka Amena Khan ayaa shaacisay in ay isaga baxday ololaha L'Oreal.
Gabadhan ayaa lagu waday in ay ka qayb qaadato olola lagu xayaysiino waxyaabaha jirka lagu qurxiyo gaar ahaan timaha.
Qoraal ay soo dhigtay barta Instagram ayaa waxay ku sheegtay in ay isaga baxayso ololahaasi xayaysiinta "sababtoo ah waxyaabaha imika la hadal hayo ee ku saabsan ololaha".
Go'aankeeda ayaa ka dambeeyay ka dib markii la helay qoraalo ay 2014,soo dhigtay Tweeter-ka taasi oo la sheegay in uu ka dhan ahaa Israa'iil.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalmo uu ka dib markii BBC Newsbeat ay u sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay noqoto gabadhii ugu horreysay oo iyada oo xiran xijaabka qayb ka noqota xayaysiis nafaqada timaha.
Qoraal ay soo dhigtay barta Instagram ayay ku tiri: "waxa aan dhawaan ka qayb qaatay olole , kaasi oo aad uga farxay sababtoo ah waxa uu ahaa mid ka turjumaya in loo dhan yahay."
Amena Khan ayaa lagu eedeeyay 2014 in ay tweeter-ka soo dhigty dhowr qoraal oo ay Israa'iil ku cambaareynayso.
BBC uma aysan suuragalin in ay aragto qoraaladaasi maadaama imika laga saaray oo halkaasi laga tiray.
Amena ayaa raaligalin ka bixisay qoraaladaasi waxa ayna sheegtay in aysan doonayn in cidna ay qalbi ahaan dhaawac u gaysato.
Amena ayaa rajaynaysay in ka qaybgasho ololahani oo ku dhiiri galin lahaa haweenka kale ee xirta xijaabka.










