Israa'iil oo ka ducaysanaysa abaar dabo dheeraatay

Wasiirka beeraha ayaa sheegay in uu u arko in ducadu ay soo afjari karto dhibaatada

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Wasiirka beeraha ayaa sheegay in uu u arko in ducadu ay soo afjari karto dhibaatada

Wasiirka beeraha ee Israa'iil Uri Ariel ayaa ku biiray hogaamiyeyaasha diimaha Israa'iil ee ka ducaysanaya abaaraha dabada dheeraaday ee Israa'iil ka jira.

Ariel ayaa ah Yuhuudi aaminsan Orthodox wuxuuna hoggaamiyay ducadii Khamiistii ka dhacday Western Wall.

Abaar xun oo afar sanno ka jirtay ayaa horseedday in biyaha dalkaasi ay gaareen meeshii u hoosaysay.

Dadka arrintan dhaliishan waxay sheegayaan in ay tahay in wasiirku uu arrintan wax uga qabto ficil ahaan.

Abaaraha Israa'iil ka jira ayaa si xun u saameeyay bulshooyiinkii beeraha tabcan jiray, waxayna horseeday in dalku uu ku tiirsanaado warshadaha biyaha nadiifiya ee xeebaha badda Mediterranean-ka.

"Qiimaha biyaha ayaan aad hoos ugu dhignay, waxaana samaynaynaa cilmibaaris badan si aan biyaha ugu dhaqaalayno dalagyada kala duwan, laakiin ducaduna xaqiiqdii way na caawin," ayuu yiri Ariel.

Yuhuudda Orthodox aaminsan ayaa isu soo baxay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Yuhuudda Orthodox aaminsan ayaa isu soo baxay

Wargayska Yedioth Ahronoth ayaa qoray "Ducadu ma xuma, laakiin wasiirku wuxuu leeyahay awood uu saamayn ugu yeelan karo arrimo dhulka ka jira" sida in uu dhiirigaliyo siyaasadda lagu dhimayo isbadalka cimilada adduunka, sidaa ayuu ku taliyay wargayskaasi.