Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay Soomaalida la laayay

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah "lagu laayay xero boolis dhexdeeda".

Wuxuu ka tacsiyeynayo dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Itoobiya.

Sida wararka ay sheegayaan, waxaa halkaasi lagu dilay "in ka badan 100 qof", balse Ra'iisul wasaaraha ma uusan sheegin tirade rasmiga ah ee la dilay. Laakiin Hailemariam Desalegn wuxuu carabka ku adkeeyay in dhibaato badan ay ka dhacday goobta.

Wuxuu dhacdada ku tilmaamay "dil wadareed ka dhan ah dad shacab oo Soomaali ah", kuwa dilka geystayna wuxuu ku tilmaamay dembiilayaal.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Sidoo kale. waxaa la shaacin doonaa sida dhibaatada ay u dhacday iyo dadka geystay, sida uu sheegay Hailemariam Desalegn, ra'iisul wasaaraha Itoobiya.

In kastoo weli cabsi badan ay ka dhex jirto labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, hadana waxaa la geeyay ciidammo aad u badan meelaha ay rabshadaha ka dheceen.

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah.

Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in markii dadkaas la laayay ka dib lagu riday meel god ah.

Goobjooge la hadlay BBC Somali:

Mid ka mid ah dadka ka qaxay degmada Daaro Labbo ee Gobolka Jiro oo ka tirsan deegaanka Baali oo ah halka ay dhibaatada ka dhacday ayaa BBC u sheegay in dadka la laayey ay ahaayeen dad boolisku isugu geeyeen xero ciidan, si aysan waxyeello u soo gaarin oo loo badbaadiyo.

Qoraalka Codka, Waraysi Goobjooge

Qofkaas oo ah nin codsaday in aan magaciisa la sheegin sababo amni aawadood, wuxuu sheegay in uu ka baxsaday dilka oo uu isaga iyo laba ilmood oo uu dhalay ay joogaan meel buur ah, halka xaaskiisa iyo afar caruur ahna uusan war ka hayn meel ay ku dambeeyaan.

Wuxuu intaas ku daray inay jiraan guryo la gubay.

Nin Oromo ah oo BBC la hadlay:

Madaxa Jaaliyadda Oromada ee Canada oo BBC la soo xiriiray ayaa isna sheegay in ay dad ku dhinteen halkaas, hase yeeshee si kale ayuu arrinta u dhigay.

Wuxuu sheegay in, sida ay maqleen, ciidanka Liyuu Booliska ay rasaas ku fureen dad Oromo ah oo ay dileen 33 qof, ka dibna nin uu walaalkiis ka mid ahaa dadkii la dilay oo caraysan uu isna rasaas ku furay dad Soomaali ah.

Wuxuu intaa ku daray in aysan fiicnayn in aargoosi la isu laayo. Labada dhinac ayuu ka codsaday in ay dhibaatada ku xalliyaan qaab dhaqanka waafaqsan.

Qoraalka Codka, Oromo lagu eedeeyey inay Soomaali laayeen

Muxuu dagaalka salka ku hayaa?

Soomaalida iyo Oromada gobolladooda waa kuwa ugu waawayn Itoobiya. Oromada waa qowmiyadda ugu badan Itoobiya, waxayna u dhigmaan seddax meelood, meel ka mid ah shacabka dalkaasi.

Soomaalida waxay shacabka Itoobiya ka yihiin boqolkiiba lix.

Taariikh ahaan, xiriirka Soomaalida iyo Oromada waxaa saameeyay khilaaf la xiriira dhulka iyo khayraadka sida daaqa iyo biyaha. Dagaalka wuxuu sababaa in kumannaan kun oo qof ay guryahooda ka barakacaan, labada dhinacba.

Sanadkii 2004, afti la qaaday ka dib, 80 boqolkiiba 420 deegaan ee lagu muransan yahay, waxaa la siiyay Oromada. Ka dib go'aankaasi, tobannaan kun oo Soomaali ah ayaa qaxay, iyagoo ka baqayay rabshado.

Go'aankaasi weli lama meelmarin, taasina waxay ka mid tahay arrimaha sababta u ah rabshadaha hadda taagan.