Ninkii lacag ka haystay $50 doolar oo lagu abaalmariyay nus milyan

Patrick Awuah
Qoraalka sawirka, Patrick Awuah wuxuu abaalmarin caalami ah ku helay aasaasidda jaamacad

Aasaasaha jaamacad ku taalla Ghana, sidoo kalena u ololeeya in waxbarashada sare ee Afrika ay tayo yeelato, ayaa ku guuleystay abaalmarin waxbarasho oo caalami ah.

Patrick Awuah wuxuu Ghana ka tagay 1980-maadkii isagoo sitay $50 dollar, wuxuuna aaday Mareykanka oo deeq waxbarasho uu ka helay.

Laakiin markii uu shaqo Microsoft ah helay ka dib wuxuu ku noqday dalka wuxuuna aasaasay Jaamacad lagu magacaabo Ashesi wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta Wise Prize, oo gaareysa $500,000.

Mr Awuah wuxuu sheegay in "baahi degdeg ah" oo dhanka waxbarashada ah ay ka jirto qaaradda Afrika.

Abaalmarinta waxaa lagu siiyay Shirka hal abuurka caalamiga ah ee waxbarashada oo ka dhacay dalka Qadar. Wuxuu ku muteystay aasaasidda jaamacadda Ashesi.

'Hoggaamiyayaasha anshaxa'

Ashesi University
Qoraalka sawirka, Jaamacadda Ashesi waxay xoojineysaa muhiimadda anshaxa iyo ganacsiga

Waa jaamacad gaar loo leeyahay, balse ma ahan mid dhaqaale lagu doonayo, waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo horumarka jiilka hoggaamin doona Ghana iyo dhammaan dalalka ee Afrika.

Ka dib markii uu wax ka bartay kana shaqeeyay Mareykanka, Mr Awuah wuxuu go'aansaday in dalkiisa uu ka furo jaamacad, si uu u buuxiyo wax uu ku tilmaamay meelaha bannaan ee waxbarashada leh "akhlaaqda wanaagsan".

Ashesi waxaa lagu billaabay 30 ardey, sanadkii 2002-dii, balse hadda waxaa dhigta 800 oo ardey, waxayna dhismo wayn ku leedahay duleedka magaalada Accra.

Mr Awuah wuxuu tilmaamay in jaamacadda ay leedahay "aragti ballaaran" oo dhaafsiisan in wax loo barto shaqo aawadeed.

Ashesi University
Qoraalka sawirka, Mr Awuah wuxuu doonayaa in tayada waxbarashada Afrika sare loo qaado

"Waxaan ku bilownay fikradda ah hoggaamiyayaasha anshaxa iyo hoggaamiyayaasha ganacsiga."

Ardeyda waxaa lagu dhiirageliyaa "in ay ka fikiraan su'aalaha culus ee la xiriira nooca dal ee aan dooneyno".

Kala bar ka mid ardeyda jaamacadda waxaa la siiyay deeq waxbarasho, nus ka mid ahna waa dumar ka kala yimid 18 dal oo Afrika ah. Dhammaan ardeyda waa in ay bartaan anshaxa iyo hal-abuurka ganacsiga, waana in ay qabtaan howl arrimo bulsho ah.

Mr Awuah wuxuu BBC-da u sheegay in uu doonayo in ay si ballaaran u wada shaqeeyaan jaamacada Afrika si heerkooda sare loogu qaado.