Madaxii ciidamada qalabka side ee Masar oo xilka laga qaaday

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxwaynaha dalka Masar Cabdul Fatax al-Sisi aya badalay madaxii militariga dalkaasi todobaad ka dib markii askar ka tirsan ciidamada ammaanka lagu dilay Koonfurta magaalada Qaahira.
Digreeto madaxwayne oo la soo saaray ayaa waxa lagu dhawaaqay in Janaraal Maxamed Farid Hegazy uu noqonayo madaxa cusub ee ciidamada qalabka side.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa xilka ka qaaday afar ka mid ah saraakiisha sarsare.
Tillaabooyiinkan ayaa ku soo beegmaya ka dib weerarkii todobaadkii aanu soo dhaafnay ka dhacay dalkaasi,kaasi oo lagu qaaday ciidamada ammaanka.
Weerarkaasi ayaa waxa ku dhintay askar kor u dhaafaysa 10 askari.






