Toban jirka la kufsaday "adeerkeed baa ilmaha ka dhalay"

Dadka u dhaqdhaqaaqa wax ka qabashada tacaddiyada carruurta loo gaysto ayaa sheegay in dadka dhibka gaysta ay 50% carruurta is yaqaannaan ama ay yihiin "dad lagu kalsoon yahay" iyo kuwa xannaaneeya carruurta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka u dhaqdhaqaaqa wax ka qabashada tacaddiyada carruurta loo gaysto ayaa sheegay in dadka dhibka gaysta ay 50% carruurta is yaqaannaan ama ay yihiin "dad lagu kalsoon yahay" iyo kuwa xannaaneeya carruurta

Gabadh yar oo reer Hindiya ah oo la kufsaday iyadoo 10 jir ah ka dibna gabadh dhashay bishii Agoosto, waxaa ilmaha ka dhalay mid ka mid ah adeeradeed, sida ay booliisku sheegeen.

Booliiska ayaa dacwado ku soo oogaya ninka laga shakisan yahay - oo ah adeerkeed, isaga oo ku eedaysan in uu kufsaday gabdha yar.

Adeerkeed ayaa xabsi ku sii jiray laguna dacweeyay in uu gabdha kufsaday.

Balse booliiska ayaa billaabay in ay baadigoobaan nin kale oo adeer u ah gabadha, ka dib markii uu is yeelan waayay dheecaanka hidasidaha adeerka xiran iyo gabadha yar ee bilooyinka dhallan.

Neelambari Vijay oo masuul ka ah baaritaanka ay booliisku wadaan ayaa BBC-da u sheegtay in aysan ku dagdagaynin in ay dacwado ku soo oogaan adeerka labaad oo ah wiilka ka yar ninka adeerka u ah gabadha ee xabsiga ku jira.

"Waa run oo hidda sidaha DNA-ga loo yaqaanno waxay isku mid noqdeen midka adeerka labaad". Ayayse tiri.

Hindiya waxaa ku nool 400 milyan oo carruur ah

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Hindiya waxaa ku nool 400 milyan oo carruur ah

Maxkamad deegaankaas ku taalla ayaa dacwaddan dhagaysan doonta galinka dambe ee Talaadada.

Adeerkii marka koobaad la qabtay ayaa ku sii jiri doona xabsiga maadaama oo la rumaysan yahay in uu gabadha kufsaday.

Dhacdadan murugada badan ayaa toddobaadyo haystay ciwaannada saxaafadda adduunka iyo midda Hindiyaba, sida ay ku soo warramayso weriyaha BBC, Geeta Pandey oo ku sugan Delhi.

In gabadha yar ay uur tahay waxaa la ogaaday bishii Luulyo, markii ay ka cabatay in ay calooshu cuncunayso, waalidkeedna ay isbitaal geeyeen.

Maxkamad ku taalla Chandigarh ayaa diiday in la soo rido ilmaha uurka ku jira, ka dib markii gudi dhakhaatiir ah ay sheegeen in hawshaas ay halis aad u badan ka dhalan karto.

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Hindiya ayaa sidoo kale ayiday go'aankaas iyadoo u cuskatay isla talada dhakhaatiirta.

Sharciga dalka Hindiya ma ogola in ilmaha la iska soo xaaqo marka uu 20 todobaad dhaafo, haddii aysan dhakhaatiirtu caddaynin in nolosha hooyadu ay halis ku jirto.

Laakiin sannadihii u dambeeyay maxkamadaha waxaa soo gaarayay dacwado racfaan lagaga qaadanayo go'aankaas, si la isaga soo xaaqo uur 20 bilood ka badan jira, sababtuna waxay tahay in carruurta qaarkood aysan is ogaan karin in ay uur qaadeen.

Qolyaha xuquuqda carruurta u dhaqdhaqaaqa oo si joogta ah ula kalmi jiray hooyadan toban jirka ah ayaa sheegay in ay ogaansho la'aantaas tahay waxa ku dhacay gabadhan yar.

line

Baaxadda ay leedahay tacaddiga Hindiya ka dhaca

Ilmo 16 sano ka yar ayaa 155 daqiiqo ee kaste la kufsadaa, 13kii saac ee kastana ilmo 10 sano ka yar

In kabadan 10,000 oo carruur ah ayaa la kufsaday sannadkii 2015kii.

240 oo milyan oo gabdhood oo ku nool dalka Hindiya ayaa la guursaday iyaga oon gaarin 18 sano

53.22% carruurta dhigatay iskuullada dawladda waxay sheegeen in lagula ka cay noocyo ka mid ah tacaddiyada

50% dadka tacadiyada gaystay waa qof ay carruurta is yaqaannaan ama waa kuwa xannaaneeya.

Xigashada macluumaadkan: Dawladda Hindiya iyo Unicef

line