Koox kasoo horjeedda hubka nuyuukleerka oo la siiyay abaalmarinta nabadda

Abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel waa billad dabah ah, hal milyan doolar iyo waliba shahaado sharaf

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobel waa billad dabah ah, hal milyan doolar iyo waliba shahaado sharaf

Abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ayaa la guddoonsiiyay sanadkan koox u ololeysa in la cirib tiro hubka nuyuukleerka oo lagu magacaabo Ican.

Guddoomiyaha guddiga abaalmarinta Nobel haweenayda lagu magacaabo Berit Reiss-Andersen ayaa sheegay in kooxdan ay abaalmarinta ku muteysteen dadaalkooda ay ku doonayaan in lagu hirgaliyo heshiisyo iyo sharciyo adduunka oo dhan looga tirtirayo hubka Nuyuurleerka.

"Waxaan ku noolnahay duni halista hubka nuyuukleerka ay badantahay in la isticmaalo" ayay tiri guddoomiye Berit oo sidoo kale farta ku fiiqday tusaale Waqooyiga Kuuriya.

Bishii Luuliyo, kadib cadaadis ka yimid Ican, 122 dal ayaa saxiixay heshiis ay Qaramada Midoobay taageereyso oo lagu mamnuucayo , kadibna lagu ciribtirayo hubka nuyuukleerka.

Guddoomiye Reiss ayaa ugu baaqday dalalka leh hubka nuyuukleerka in ay bilaabaan qorshe ay ku cirib tirayaan hubkan.

Ururka Ican ayaa waxa uu ka koobanyahay boqolaal hay'ado aan dowli ahayn, wuxuuna saldhig ku leeyahay magaalada Ganeva ee dalka Switzerland. Waxa uu helayaa lacag dhan hal milyan oo doolar, billad iyo shahaado oo ah waxa ay ka koobantahay abaalmarinta Nobel.

Beatrice Fihn oo ah agaasimaha guud ee Ican ayaa yiri "Sharciyada dagaalka waxa ay dhigayaan in aanan dadka rayidka ah wax la yeelin, balse hubkan waa mid shacabka gumaadaya, waxaana loogu talogalay in magaalooyin dhan dhulka lagu daro".

Abaalmarintan ayaa imanaysa xili hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sameeyay tijaabo gantaalada ah iyo mid hubka nuyuukleerka, talaabadaas oo xiisad ka dhexdhalisay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Kim Jong-un ayaa sameeyay tijaabo hubka nuyuukleerka

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Kim Jong-un ayaa sameeyay tijaabo hubka nuyuukleerka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo maamula hubka nuyuukleerka ee adduunka ugu awoodda badan ayaa ku hanjabay in uu dhulka la jari doono Kuuriyada Waqooyi , haddii buu yiri lagu qasbo.

Sanadkii hore abaalmarinta nabadda waxaa ku guuleystay madaxweynaha Colombia Juan Manuel Santos , wuxuuna yiri "Abaalmarinta waa haddiyad janada laga soo direy oo kale". Santos ayaa heshiis nabadeed la gaaray kooxda falaagada ah ee Farc.