DR Congo: Ku noolaanshaha meel uu dagaal ka socdo
Tan iyo bishii October ee sanadkii aanu soo dhaafnay, gobolka Kasai ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxa ka jiray rabshado horseeday dhimashada dad badan oo rayid ah.
Dhibaatadan ayaa ka dhalatay isku dhac u dhaxeeya ciidamada iyo maleeshiyaad ay taageerto dowladda oo lagu magacaabo T Bana Mura, iyo koox mucaarad ah oo lagu magacaabo Kamuina Nsapu.
Tuulooyiin badan ayaa la gubay, waxaana ku barakacay gobolkaasi, sanadkii aanu soo dhaafnay, dad lagu qiyaasay in ka badan hal milyan oo qof.
Sawir qaade John Wessels ayaa u safray oo booqday gobolkaa wuxuuna la kulmay qaar ka mid ah dadkii dhibaatada dagaalka ay saamaysay.
Bernadette Tchanda, waa 16 jir

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam
"Toori ayaa la ila dhacay, caruur ayaa biyaha ku qaraqmay sababtoo ah waan qaxnay markii guriyaheena la gubay, wax waliba way naga lumeen.
"Dadka magaalada Tshikapa aad ayay noogu naxariisteen oo way na caawiyeen ,ma haysano hoy.
Emmanuel Mtumbo

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam
"Cadowgeena ayaa yimid galabtii, waxay noo sheegeen in ay na dili doonaan ayna guriyaheena gubi doonaan.
"Ugu dambayntii waxay la yimaadeen baangado wax waliba ayaan waayay, xaaskeyga, wiilkii aan dhalay, gabadheyda waxay sidoo kale dileen walaalkey.
Anny Mufutani, waa 30 jir

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam
"Maleeshiyaadka Kamuina Nsapu ayaa yimid xilli habeen ah anaga oo hurudna. waxaan haynay warka ku saabsan in nala soo weerari rabo cunto ayaana sii diyaarsaday.
"Waan qaxnay aniga oo ay ila socdaan saygeyga iyo caruurtayda.
"Waxaan jeclaan lahaa in aan u tago qoyskeena oo ku nool caasimadda, Kinshasa, laakiin ma haysto lacag sababtoo ah safarka waxa ku baxaysa 60,000 oo ah lacagta Congo oo u dhiganta (£28.50), qofkiiba, kama tagayo caruurteyda.
Raphael Kabulewu

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam
Raphael Kabulewu wuxuu ahaa baadari, tan iyo 1999, wuxuu fadhiyaa duleedka xarunta caafimaadka ee Tshikapa.
"Tan iyo bishii April waxa aan halkan ku soo dhaweeyay caruur badan oo agoon ah kuwaas oo qaarkood aad u dhiig baxayay, waxaa hada halkan ku sugan 200 oo qof.

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam
"Waxa hortooda ku dhintay waalidiintooda, wax waliba way lumiyeen.
"Hadda waxa aan jeclaan lahaa in aan quudiyo, daawooyiin shubanka iyo qandhaha u fiicanna aan siiyo".
Sara Mbindi, waa 33-jir

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam
"Wiilkeyga Etienne wuxuu dhashay todobaad ka hor. Markii aan tuulada ka soo qaxay aniga oo ay ila socdaan laba caruur ah, Saygeyga waa la dilay oo madaxa ayaa laga gooyay.
"Markii aan halkan imid Baadariga iyo kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa i caawiyay.
"Waxa aan rajaynayaa in caruurtayda ay dib ugu laaban doonaan iskuulka ayna heli doonaan noolal wanaagsan."
Anne Katshtemba

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam
"Waxaa madaxa la iiga dhuftay Baangad, waxaan ku dhacay dhulka waxa ayna u maleeyeen in aan dhintay.
"Labada canug ee aan dhalay waa laga leexday sababtoo ah waxa ay sameeyeen waxa aan u sheegay in ay sameeyaan taasi oo ah in ay dhiiga dhex jeeftaan ayna iska dhigaan in ay dhinteen.
"Xaruntan waa goobta keli ah ee aan dareemay in aan amaan helay markii aan imaaday."
Astride Bipua, waa 39 jir

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam
"Waxaan ka imid magaalada Senge, aniga oo ay ila socdaan laba gabdhood iyo wiil aan dhalay.
"Intii aan wadada ku soo jirnay aad ayay u xanuunsadeen ka dib markii aan soo soconay laba todobaad ayaan halkan soo gaarnay, aad ayayna caruurta u sii xanuunsadeen.
"Markii aan halkan nimid, baadariga ayaa aad noo caawiyay, waxaa noo suuragashay in aan helno cunno iyo dhar.
"Waxa aan ahay macalin laakiin nasiib daro shahaadadii ayaa iga luntay ,waxa aan ku riyoon jiray in aan iskuul u dhiso caruurta soo qaxay ."

Xigashada Sawirka, John Wessels / Oxfam










