Booliiska Spain oo qabtay agab lagu qaban lahaa afti aysan ogolayn

Xigashada Sawirka, EPA
Booliiska dalka Spain ayaa qabtay dhokumantiyo badan oo si toos ah xiriir oola leh aftida madaxbannaanida gobolka Catalan ee la mamnuucay taas oo la qorsheeyay in ay dhacdo 1 Oktoobar.
Talaadadii ayay booliisku tageen xafiiska ay shirkadda Unipost ku leedahay magaaladaTerrassa, shirkaddan ayaa ah midda ugu wayn ee gaar loo leeyahay ee ka shaqaysa wax diritaanka.
Booliiska Catalan ayaa muquuniyay dad isku dayay in ay jaraan waddada ay shirkaddu degantahay.
Masuuliyiinta gobolka Catalan ee dalka Spain ayaa ka dhago adaygaya amar maxkamadeed oo ah in la joojiyo coddaynta aftida.
Waxay isku dayayaan in ay aftidaas qabtaan inkastoo dawladda dhexe ay marar badan isku dayday in baajiso.

Xigashada Sawirka, AFP
Dawladda dhexe ee Spain ayaa taageero ka heshay maxkamadda dastuuriga ah ee amartay in aan la qabanin aftida uu ansixiyay baarlamaanka gobolka Catalan.
7.5 milyan oo ruux ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin gobolkaas, waana naadir in rayi arruurin la sameeyo, mid uu maalgaliyay maamul goboleedka Catalan ayaa bishii July tilmaantay in 41% ay dadku taageersan yihiin madaxbannaanida, 49% ay ka soo horjeedaan.

Xigashada Sawirka, AFP

Xigashada Sawirka, Reuters

Xigashada Sawirka, Reuters






