Trump oo u goodiyay madaxweynaha Venezuela

Maraykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro uu shaqsiyasan qaadi doono masuuliyadda ammaanka labada hogaamiye ee mucaaradka ah ee la xiray, sidaas waxaa ku goodiyay madaxweyne Donald Trump.

War qoraal ah oo uu soo saaray Trump ayuu ku dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo sii daayo maxaabiista siyaasadda.

Leopoldo López iyo Antonio Ledezma, oo markii hore xasbi guri ku jiray ayaa loo sii qaaday xabsi milatari Talaadadan.

Leopoldo López

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Leopoldo López
Antonio Ledezma

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Antonio Ledezma

Arrintan ayaa timid ka dib doorashadii muranka dhalisay ee gudiga dastuurka ee Axaddii dhacday.

Ugu yaraan toban ruux ayaa ku dhimatay, mucaaradkuna way qaadaceen doorashadaas.