Mucaaradka Venezuela oo ku baaqay dibadbaxyo

Xigashada Sawirka, Reuters
Mucaaradka dalka Venezuela ayaa ku baaqay dibad bax soconaya 24 saacadood maalinta Khamiista ah, tan oo qayb ka ah tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo ololaha ka dhanka ah dowladda madaxweyne Nicolas Maduro.
Arrintan ayaa lagu dhawaaqay maalin kaddib markii malaayiin qof oo reer Venezuela ah ay ka qayb qaateen afti aan rasmi ahayn oo looga soo horjeedo qorshaha madaxweyne Maduro ee dib loogu qorayo dastuurka.
Hoggaamiye ka tirsan xisbiga mucaaradka ee is bahaysiga midowga qaranka, Freddy Guevara, ayaa sheegay in codbixiyeyaal badan oo Venezuela u dhashay ay ku amreen inay difaacaan dimuqraadiyadda.
Wuxuu sheegay in jawaabta laga bixiyay aftida ay fursad u siineyso madaxweyne Maduro inuu si nabad ah u xalliyo qalalaasaha ka jira dalka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Venezuela laga qaadi doono tallaabo xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah haddii ay ku adkeysato dib u qoridda dastuurka.
Madaxweyne Trump ayaa ku ammaanay mucaaradka Venezuela u dagaallanka dimuqraadiyadda wuxuuna ku tilmaamay madaxweyne Nicolas Maduro hoggaamiye xun oo ku riyoonaya inuu noqdo keligee taliye.

Xigashada Sawirka, EPA






