Nin dab lagu qabadsiiyay dalka Venezuela

Xigashada Sawirka, Reuters
Digniin: warbixintan waxaa ku jira sawirro laga yaabo in akhristeyaashu ay dhibsadaan.
Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa mudaaharaadeyaasha mucaaradka ah ku eedeeyay in ay dab qabadsiiyeen qof taageersan dawladda oo ku sugnaa magaalada Caracas iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada dalkaas ka jira oo maalintii kontonaaad galay.
Jirka Orlando José Figuera ayaa gubtay 80% ka dib markii dab la qabadsiiyay, saraakiishuna waxay sheegeen in ninkan ay tooriyayn u dheertahay arrintaas ayna dhibaatadaasi gaaartay Sabtidii.
Qof goobjooge ah ayaa sheegay in dadkii mudaaharaadayay ay ninka la gubay ku eedeeyeen tuuganimo.

Xigashada Sawirka, AFP
Isla maalintaas waxaa toogasho lagu dilay nin mucaaarad ah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, taas oo tirada dadka ku dhintay mudaaharaadyadan u dambeeyay ka dhigaysa 48.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in nin uu rasaas ku furay dad ku mudaaharaadayay magaalada galbeedka ku taalla ee Valera.
Edy Alejandro Teran Aguilar ayaa u dhintay xabbad xabadka lagaga dhuftay iyadoo labo ruux oo kalana ay dhaawacmeen.

Xigashada Sawirka, AFP
Mudaaharaadeyaasha dalbanaya in uu is casilo madaxweyne Maduro uuna qabto doorasho wakhtigeedii laga soo hormariyay ayaa wadooyinka isugu soo baxay Sabtidii iyaga oo xusaya mudaaharaadyada ay rabshaduhu ku sii badanayaan oo maalintii kontonaad galay.
Madaxweyne Maduro oo jeedinaya barnaamij todobaadle ah oo uu telefishinka ka jeediyo ayaa sheegay in falkaasi uu yahay "dambi nacayb ku salaysan iyo dambi aadanaha ka dhan ah".










