Banaanbaxyo gilgilay Venezuela

'Cabburin kale maya' ayaa boorkan ku qoran

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, 'Cabburin kale maya' ayaa boorkan ku qoran

Dad mudaaharaadayey iyo booliska rabshadaha la dagaallama ayaa isku dhacay intii ay socdeen banaanbaxyo ka dhacay Venezuela, ka dib markii hogaamiyaha mucaaradka, Henrique Capriles, laga mamnuucay siyaasadda muddo 15 sano ah.

Magaalada caasimadda ee Caracas, ayey boolisku gaaska dadka ka ilmaysiiya kaga hor istaageen mudaaharaadeyaasha inay gaaraan bartamaha magaalada iyo xafiisyada baarlamaanka, taasoo keentay in iska horimaad gacan ka hadal ah uu ka dhasho.

Waa waddada ugu weyn caasimadda oo ay dadku buux dhaafiyeen

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waa waddada ugu weyn caasimadda oo ay dadku buux dhaafiyeen
Gaaska ilmada keena ayaa dadka lagu riday

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gaaska ilmada keena ayaa dadka lagu riday

Dadka banaanbaxayey ayaa tuurayey dhagxaan iyo bambooyin batrool ah, ayadoo booliskana uu gaaska dadka ka ilamaysiiya ku riday.

Mr Capriles wuxuu sheegay in xaruntiisa uu dab qabsaday, ka dib markii gudaha loogu tuuray gaaska ilmada keena. Henrique Capriles waxaa siyaasadda laga mamnuucay muddo 15 sano ah.

Henrique Capriles waxaa siyaasadda laga mamnuucay muddo 15 sano ah

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Henrique Capriles waxaa siyaasadda laga mamnuucay muddo 15 sano ah

Magaalada San Cristobal ayaa la sheegay boolisku inay ridayeen rasaasta cinjirka ka samaysan.

Waa markii 4aad tan iyo todobaadkii hore oo magaalooyinka waaweyn ee dalkaas ay wax walba istaagaan, maadaama ay mudaharaadyo ballaaran ka dheceen jidadka.