Milatariga Australia oo door ku yeelanaya dagaalka argagixisada gudaha

Xigashada Sawirka, EPA
Milatariga dalka Australia ayaa la siinayaa awoodo dheeraad ah kuwaas oo u ogolaandoona in ay door ku yeeshaan ka qaybqaadashada falalka argagixisada ee dalka gudahiisa ka dhaca.
Isbadalkan lagu sameeyay shuruucda ammaanka ayaa ka dhashay dhaleecaynno loo soo jeediyay booliiska kuwaas oo ku aadanaa in aysan si degdeg ah wax uga qabanin weerarkii ay dadku ku dhinteen ee ka dhacay makhaayadda magaalada Sydney sannadkii 2014kii.
Isbadalkan cusub ayaa ogolaanaya in milatariga durba loo yeerikaro si ay u caawiyaan booliiska marka ay halis argagixiso wax ka qabanayaan.
Sharciga hadda jira ayaa booliiska u ogolaanaya in ay milatariga wacdaan marka ay xaaladdu gaarto meel aysan iyagu waxba ka qaban karin oo kali ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Heshiiskan cusub wuxuu sidoo kale ogolaanayaa in milatarigu ay tababarro khaas ah siiyaan booliiska.
Ra'iisalwasaaraha Australia, Malcolm Turnbull oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay "in uu meesha ka saarayo cabaqada dhexyeela wada shaqaynta booliiska iyo milatariga.






