Cilmibaaris midaysay dalalka isdiidan ee Bariga Dhexe

Xigashada Sawirka, KATE STEPHENS
Xarun cilmibaaris oo casri ah ayaa maanta laga furayaa dalka Urdun, waana mid ay wadaagi doonaan dalalka gobolka qasan ee Bariga Dhexe, waana astaan naadir ah oo muujinaysa wax uu ku midaysan yahay gobolkaasi.
Dareenka siyaasadeed iyo muranada dalalkaas ka dhexeeya ka sokow waxay ku midoobeen taageerada qorshahan.
Cilmibaaristan waxaa loo bixiyay Sesame.
Xarunta cilmi barista waxaa yaala shaybaar wayn oo awood badan.
Cilmibaareyaasha ka hawlgalaya oo ay ka mid yihiin Falastiiniyiin Israa'iiliyiin iyo Iiraaniyiin oo aan caadiyan marnaba u kulmi doonin ayaa xaruntan cilmi baarista iyo shaybaarkan wayn wada adeegsan doona.
Dismeyaasha xarunta cilmi barista ee Sesame oo badankoodu caddiin yihiin ayaa ku yaalla buuro boodh badan oo 35 kiiloo mitir u jira caasimadda Urdun ee Cammaan.

Xigashada Sawirka, KATE STEPHENS

Xigashada Sawirka, KATE STEPHENS







