Urdun oo IS ku weerartay gudaha Suuriya

Dayaarad dagaal oo Urdun leedahay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dayaarad dagaal oo Urdun leedahay

Ciidanka cirka ee Urdun ayaa sheegay inay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyo ay kooxda dawladda islaamiga ku leedahay xudduudda dhinaca koofureed ee Suuriya.

Hadal uu milaterigu soo saaray ayaa lagu sheegay in tiro dagaallameyaal ah lagu dilay ama lagu dhaawacay.

Bartilmaameedyada waxaa ku jiray meel hubka lagu kaydiyo iyo geerash ay kooxda IS ku samayso gawaarida qaraxyada lagu xiro.

Urdun ayaa ka mid ah xulafada Maraykanku hogaamiyo ee la dagaallanta kooxahaas mayalka adag, laakin waxaa la rumaysan yahay in ilaa laba sano ay iminka tahay muddada aysan dayaaradahooda dagaalku wax weerar ah ku qaadin Suuriya