Haweenay baaritaan ku samaysay dilka gabadheeda oo iyadiina la dilay

Xigashada Sawirka, EPA
Haweenay ganacsato ah oo reer Maksiko ah oo hagaaminaysay 600 oo qoys oo baaritaan ku haya eheladooda oo la waayay meel ay ku dambeeyeen ayaa la dilay.
Miriam Rodriguez Martinez ayaa lagu toogtay iyadoo joogta gurigeeda oo ku yaalla magaalada San Fernando ee dalka Maksiko oo u dhaw xadka Maraykanka.
Waxaa lagu yaqaanay in ay si wanaagsan u dabo gashay afduubkii iyo dilkii ay gabadheeda u gaysteen burcadda darooga ka ganacsata ee Zetas.
Xogtii ay booliiska siisay ayaa keentay in xabsiga la dhigo xubno ka tirsan burcaddaas.
Laakiin bishii saddexaad ee sanadkan ayuu midkood baxsaday gabadhan saaxiibbadeedna waxay sheegeen in ay soo gaari jireen hanjabaadyo.
- Wargays daabacaaddii joojiyay markii weriye laga dilay
- Japan oo qarka u saaran dabarjaridda dambiyada hubka
- Maraykanka oo cunaqabatayn saaray madaxweyne ku xigeenka Venezuela
- Ninkii weeraray askariga Faransiiska ah oo dhiigiisa laga helay daroogo iyo khamri
- Maksiko oo diiday siyaasadda tarxiilka ee Trump
Saaxiibbadeed waxay sheegeen in ay booliiska waydiisatay in ay ammaankeeda sugaan balse ay dhagaha ka furaysteen.
Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Maksiko ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ay cambaaraynayaan dilkan waxayna ku baaqeen in baaritaan buuxa la sameeyo.






