Libiya: Xayiraad safar oo dumarka oo keli ah la saaray

Xigashada Sawirka, AFP
Saraakiisha militariga ee maamulo bariga Liibiya ayaa soo saaray xayiraad dhanka socdaalka ah oo la saaray dumarka da'dooda ka yartahay 60-sano.
Xayiraadda waxay tahay in dumarkaasi aysan iskood ugu safri karin dibadda dalka Liibiya.
Talaabadan ayaa lagu tilmaaamay "sababo amniga la xiriira". mana ahan mid xagjirnimo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maaamulka Bariga Liibiya.
Weriyaha BBC-da ee Woqooyiga Afrika, Rana Jawad, waxay sheegtay in tallaabadan ay saameyneyso dhammaan dumarka socdaalka ku siimaraya dhanka bariga Liibiya.
Liibiya waxay u qeybsan tahay laba maamul, mid ku sugan bariga iyo mid caalamka uu aqoonsan yahay oo ka jiro caasimadda Tripoli.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dowladda dhanka bariga waxaa xarun u ah Al-Beyda, xayiraaddana waxay si rasmi ah uga dhaqan gashay garoonka diyaaradaha ee Labrag ee bariga.
Maamulkaas waxaa hogaamiye u ah Janaraal Khalifa Xaftar.

Afhayeen u hadlay maamulkaas oo lagu magacaabo Cabdirasaaq Al-Naduri, ayaa BBC-da u sheegay dhaqangalka xannibaadda.
Wuxuu sheegay in dumarka arrimaha bulshada ka shaqeeya ee sida joogtada ah ugu safro dibadda ay u 'shaqeeyaan sirdoon ajaaniib ah'.
Go'aanka oo aan baarlamaanka u codeyn ayaa si degdeg ah looga dhaqan geliyay bariga Liibiya.
Saraakiisha maamulkaasi ayaa tilmaamay in safarada cirka iyo dhulka uu saameynayo go'aanka.
Liibiya dagaallo ayaa ka socdaan tan iyo markii xilka laga tuuray Mucamir Al-Qadafi, sanadkii 2011-kii.










