Duqeyn in ka badan "100 dagaalyahan" looga dilay Al-Qacidada Suuriya

Duqeynta Idlib waxaa ka qeybgalay diyaarado drone ah

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Duqeynta Idlib waxaa ka qeybgalay diyaarado drone ah

Duqeyn uu fuliyay Mareykankaa oo lala eegtay xero Al-Qaacida leedahay oo ku taalla Suuriya ayaa lagu dilay 100 qof. Sida waaxda difaaca ee Pentagon-ka ay sheegtay.

Duqeyntaas ayaa lagu fuliyay amarkii ugu dambeeyay ee uu bixiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Afhayeen u hadlay Pentagon-ka, Capt Jeff Davis ayaa sheegay in xerada Al-Qaacidda oo ku taalla gobolka Idlib ay ku tababaranayeen dagaalyahanada, tan iyo 2013-kii.

Weerarka duqeynta ah waxaa ka qeybgalay diyaaradaha B-52 iyo tiro aan la sheegay oo ah diyaaradaha aan cidina saarneyd ee drones-ka.

Capt Davis wuxuu sheegay in weerarka looga hortagaayay howlaha tababarada "waxayna niyad jebineysaa xagjiriinta ka midka ah ama la shaqeeyo Al-Qacidda ee Suuriya", ayuu hadalkiisa ku daray.

Wuxuu tilmaamay in dhowaanahan ay qaadeen weeraro ka dhan ahaa Al-qaacida oo guul ku dhammaaday.

"Weerarada waxaa loo fuliyay si degdeg ah, waxaana lagu curyaamiyay awoodda Al-qaacida, iyo in la marin habaabiyo madaxdooda", ayuu yiri.

Duqeyntaas ayaa ka mid ahayd howlgalkii labaad ee ugu ballaarnaa ee la fuliyay saacadihii ugu dambeeyay ee madaxweynanimada Obama.

Weerarka kale ee Obama uu amray ayaa laga fuliyay dalka Liibiya, waxaana lagu dilay in ka badan 90 qof oo lagu sheegay inay daacish u dagaallamayeen.

Sida laga soo xigtay saraakiisha dalka liibiya, weerarka wuxuu ka dhacay deegaan miyi ah oo xero u ah ururka daacish ee Liibiya.