Dagaalka Suuriya: Mintidiinta oo diiday inay Xalab ka baxaan

Xigashada Sawirka, Reuters
Qorshaha Ruushka ee uu ku doonayo in mucaaradka ay ka baxaan magaalada Xalab waxaa diiday koox mintidiin ah.
Jabhat Fateh al-Sham, oo loo yaqaanay al-Nusra Front intaysan goynin xiriirka ay la lahayd al-Qaeda bishii July, ayaa sheegtay inay dagaalka sii wadayso.
Ruushka ayaa ku talliyay in dagaalyahanada iyo rayidka ay ka faa'idaystaan xabad-joojin bini'adanimo oo siddeed saacadood ah, si ay uga baxaan xaafada mucaaradka ee Xalab maalinta Khamiista.
Bishii hore, ciidamada dowladda ayaa ku wareegsamay oo ku qaaday dagaal iyagoo ay taageerayaan diyaaradaha Ruushka.
Ilaa 2,700 ayaa dhintay ama ku dhaawacmay weerarka tan iyo bishii hore, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda bini'aadanka Syrian Observatory oo fadhigeedu yahay UK.
Talaadadii, wasiirka difaaca ee Ruushka ayaa ku dhawaaqay in weerarka meelaha mucaaradka ee Xalab la hakiyay laba maalmood xabad-joojinta ka hor.
Sergi Shoigu, ayaa sheegay inay caawin doonto sidii loo heli lahaa hubaal ammaanka lix wado oo ay ka baxaan rayidka iyo dadka dhaawaca. Dagaalyahanada mucaaradka iyo hubkooda ayaa ka bixi kara laba jid.

Xigashada Sawirka, Reuters






