Ciidammada Ciraaq oo horumar ka sameeyay dagaalka Mosul

Ciidammada Ciraaq ayaa duqeeyay goobaha ay ku suganyihiin kooxda isku magacawda Dawladda Iskaamka ka hor inta aysan guulaha ka gaarin dagaalka ay la galeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ciidammada Ciraaq ayaa duqeeyay goobaha ay ku suganyihiin kooxda isku magacawda Dawladda Iskaamka ka hor inta aysan guulaha ka gaarin dagaalka ay la galeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Ciidammada Ciraaq ayaa qabsaday tuulooyin kala duwan iyaga oo dagaal ku ekeeyay goobtii u dambaysay ee ay ku xoog badan tahay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka oo ah qaybo ka mid ah magaalada Mosul.

Boqolaal gawaarida milateriga ah oo gacan ka helaya duqaymo dhanka cirka ah ayaa ku jihaystay Axaddii goobo ay Dawladda Islaamku fariisimmo ku leeyihiin.

Horumarka ay ka sameeyeen Axaddii koonfurta magaalada Mosul ayaa u sahashay in ay meel durugsan ka weeraraan garoonka diyaaradaha, magaaladaasi ayaana ah midda labaad ee ugu wayn dalka Ciraaq.

Waxaa walaac laga muujiyay ammaanka kumannaan shacab ah oo ku go'doonsan halkaas.

Weerarkan waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Axaddii Ra'iisalwasaaraha Ciraaaq Xaydar Al-Cabadi

Abdulamir Yarallah oo ka mid ah saraakiisha milatariga oo war qoraal ah soosay ayaa sheegay in ciidammada gurmadka degdega ah ay qabsadeen tuulooyinka Athbah iyo Al-Lazzagah kuwaas oo ah labo tuulo oo ku yaalla koonfurta garoonka diyaaradaha ee Mosul.

Ciidammada dawladda ayaa dib u qabsaday bariga magaalada bishii hore, waana meesha kali ah ee ay ku xoogbadan tahay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka. laakiin milatarigu waxay sheegeen in laga yaabo in ay dhibaato kala kulmaan dhanka galbeedka.

Laakiin hadda wax horumar ah lagama sii samaynin bariga Mosul maadaama oo la jaray dhamaan buundooyinkii ka talaabi lahaa webiga Tigris oo isku xirayay galbeedka iyo magaalada inteeda kale.

Khariidadda Mosul

Stephen Townsend oo ah jeneraal utaliya xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ayaa war qoraal ah oo uu soosaaray ku sheegay in dagaalka Mosul uu ku adkaan lahaa milatari kaste oo adduunka jooga.

Ciidammada khaaaska ah ayaa iyaga oon qarxin kala furfuray gawaari waxyaaabaha qarxa lagu rakibay, iyagoo nadiifiyay tuulooyinka ku yaaalla koonfurta Mosul, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC Quentin Sommerville, oo la socda ciidammada.

Gaari la qariyay miino ku rakibantahay ayaa tuulo laga helay

Xigashada Sawirka, Quentin Sommerville/BBC

Qoraalka sawirka, Gaari la qariyay miino ku rakibantahay ayaa tuulo laga helay

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay walaaca ay ka qabto shacabka halkaas ku go'doonsan oo laga yaabo in ay gaarayaan 650,000.

Hay'adda badbaadada dhalaanka ee Save the Children ayaa Axaddii sheegtay in ay rumaysan tahay in ay halkaas ku go'doonsan yihiin 350,000 oo carruur ah.

Maurizio Crivallero oo ah masuulka Ciraaq ee hay'adda ayaa sheegay in carruurtu galbeedka Mosul ay ay tahay in ay kala doortaan in ay ku sii sugnaadaan goob ay ka dhacayso xabbad labada geesoodba ka soo dhacaysa oo gaajo u dheertahay iyo toogasho ay kala kulmaan qolyaha waxshiisha haddii ay damcaan in ay cararaan.

Ciidammo nasanaya intii uu socday dagaalka Koonfurta Mosul

Xigashada Sawirka, Quentin Sommerville/BBC

Qoraalka sawirka, Ciidammo nasanaya intii uu socday dagaalka Koonfurta Mosul
Askari fiirinaya saxaraha markii uu dagaalku billawday

Xigashada Sawirka, Quentin Sommerville/BBC

Qoraalka sawirka, Askari fiirinaya saxaraha markii uu dagaalku billawday

Sawirradii uu twitterka soo dhigay weriyaha BBC Quentin Sommerville

Quentin tweet
Quentin Sommerville tweet that reads: "Southern Mosul front."
Quentin Sommerville tweet that reads: "Helicopters and drones overhead."
Qoraalka Muuqaalka, Ciidammada Ciraaq oo Muusik dhagaysanaya iyaga oo sii siqaya