Is barbardhig: Gidaarka Trump iyo kuwa kale ee caalamka caanka ka ah

Xuduudda Mareykanka iyo Mexico
Qoraalka sawirka, Xuduudda Mareykanka iyo Mexico

Madaxweyne Trump wuxuu amray dhismaha gidaarka xuduudda u dhexeysa Mexico iyo Mareykanka.

Wuxuu jooggiisa noqondoonaa sagaal illaa 16 mitir, wuxuuna ahaan doonaa mid aad u adag.

Jamhuuriyiinta waxay sheegayaan in uu gidaarka ka hor istaagayo dadka Mexico inay si sharcidaro ah ku galaan Mareykanka.

Hadda waxaa xududda ka dhisan derbi lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqa, dadka qaar ee ehelka ah waxay ka sheekeystaan halkaas ayagoo labada dhinac kala jooga.

Halkan waa xuduudda San Diego, waxaa la ogolyahay in saaxiibada iyo qaraabada ay ka wada sheekeystaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Halkan waa xuduudda San Diego, waxaa la ogolyahay in saaxiibada iyo qaraabada ay ka wada sheekeystaan.

Waxaa hadaba jiro gidaarro badan oo xilliya hore la dhisay si dalal loogu kala qeybiyo.

Sidey isku mid u yihiin midka Trump uu doonayo inuu ka dhiso xuduudda Mexico iyo Mareykanka iyo kuwii horey loo dhisay:

Waxaa laga joogaa 27-sano markii la dumiyay derbigii Berlin

Anagoo eegeyna saameyntii uu lahaa, aan ka bilowno gidaarkii Berlin, Jarmalka

Sanadkii 1950-kii Jarmalka waxaa loo kala qeybiyay Bari iyo Galbeed.

Bariga iyo Galbeedka Jarmalka

Xigashada Sawirka, BBC Newsround

Qoraalka sawirka, Berlin waxay ka mid ahayd Bariga Jermalka, meeshii uu Soviet-ka maamuli jiray, sidoo kale magaalada afar ayey u qeybsaneed, afar dal ayaana kala maamulijiray.

Dadkii deganaa qeybtii ay haysan jireen Mareykanka, Fransiiska, iyo Britain, ayaa waxay subixii ku soo tooseen xeyndaab. Waxaa lagu kala qeybiyay Bariga iyo Galbeedka Berlin.

Markii hore, gidaar iska caadi ah buu ahaa, balse markii dambe wuxuu yeeshay saameyn kale, waxaana laga dhigay 3.6m joogiisa.

jiifkiisana wuxuu ahaa 66km oo lagu kala jaray guud ahaan Berlin.

Gidaarkii Berlin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gidaarkii Berlin

Derbiga Trump wuxuu noqon doonaa midka ugu dheer, balse maahan midka ugu dheeraa taariikhda.

Xuduudda u dhexeysa Mareykanka iyo Mexico waxay gaareysaa 3,000km.

Hadaba, xittaa haddii Trump uu burburiyo buuraha si uu u dheereeyo, wuxuu gidaarkiisa la mid noqonkaraa midka Shiinaha ee loo yaqaano "Great Wall".

gidaarkii ugu joogga dheeraa
Qoraalka sawirka, gidaarkii ugu joogga dheeraa

Joogka gidaarka Shiinaha way adagtahay in la sheego, balse waxaa la isku raacay injiifkiisu ahaa 20,000km. Waxaa laga arki karaa buuraha dushooda, dadka diyaaradaha saaranna way arki karaan.

Meelaha qaar, joogiisu wuxuu yahay todobo mitir.

Gidaarka Shiinaha

Xigashada Sawirka, Thinkstock

Qoraalka sawirka, Gidaarka Shiinaha

Hadaba, gidaarka Trump wuxuu ku xiran yahay go'aankiisa

Madaxweynaha ma go'aansan karo heerka joogga gidaarka uu noqonayo, balse wuxuu sheegay inuu ka doonayo inuu 16-mitir noqdo. Kaasi wuxuu aad uga dheeraan karaa basaska seddaxda dabaq ah.

Gidaarka ugu jooga dheer
Qoraalka sawirka, Gidaarka ugu jooga dheer

Gidaarka Hadrian, kaas oo boqortooyadii Hadrian ay dhistay sanadkii 122 AD, wuxuu joogiisa ahaa illaa 10 mitir.

Sidoo kale waxaa lagu xiray dhul gaaraya 117km, wuxuu kala qeybinayay England iyo Scotland.

Gidaarka Hadrian

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gidaarka Hadrian