Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida

Trump ayaa maanta loo dhaarinaayaa xilka madaxweynaha

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Trump ayaa maanta loo dhaarinaayaa xilka madaxweynaha

Donald Trump ayaa intuu ku jiray ololaha doorashada wuxuu jeediyay haddallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida iyo Muslimiinta.

Soomaalida Minnesota:

Soomaalida badan ayaa deggan Minneapolis
Qoraalka sawirka, Soomaalida badan ayaa deggan Minneapolis

Mar uu ka hadlaayay Minnesota wuxuu sheegay in Soomaalida dhibaato geeyeen Halkaas.

"Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyinka ay keeneen qaxootiga siiba qaxootiga halkaan ku badan ee Soomaalida. Idinkoonan war u heyn ayay yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ku biiraya kooxda Daacish. Waxayna xagjirnimada ku faafinaya dalkeena iyo dunida oo dhan."

Waxuu dhaleeceeyey dadka soo galootiga ah ee Maraykanka taga.

Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab

Trump ayaa su'aal geliyay sababta Al-Shabaab looga adkaan waayay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Trump ayaa su'aal geliyay sababta Al-Shabaab looga adkaan waayay

Kooxda u qaabilsan Trump hawlaha kala guurka Waxay su'aal geliyeen sababta Maraykanku dagaal aanu ku guulaysanayn toban sannadood ugula jiro Alshabaab.

Waxay weydiiyeen waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka sababta looga guuleysan la'yahay Al-Shabaab oo intaas oo sano dagaal uu mareykanka taageersanaa lagula jiray?

Waxaanay sidoo kale su'aal geliyeen in lacagta Washington ku bixiso deeqda ee Afrika sida kan soomalaiya la siiyo, in si haboon loo adeegsado iyo in kale.

Wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu Jaamacadda Ohio weeraray

Soomaali ka jawaabaysay weerar la sheegay inuu wiil Soomaali ah geystay
Qoraalka sawirka, Soomaali ka jawaabaysay weerar la sheegay inuu wiil Soomaali ah geystay

Wiil Soomaali ah ayaa 28-dii November la sheegay inuu weeraray jaamacadda Ohio, dadna uu halkaasi ku jiirsiiyay gaarigiisa.

Wiilkaas ayaa la toogtay. Wuxuuna Mareykanka joogay muudo kooban. Balse Donald Trump ayaa arrintaas ka hadlay.

Madaxweynaha cusub, Donald Trump, ayaa sheegay in "ninkaasi Soomaaliga ahaa wuxuu ahaa qaxooti aan mudneyn inuu markii horaba dalka Mareykanka joogo".

"Kooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii jamaacadda Ohio", ayuu hadalkaasi sii raaciyay.

Daacish iyo Soomaalida

Trump ayaa lagu eedeeyay hadallada adag ee uu jeediyo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Trump ayaa lagu eedeeyay hadallada adag ee uu jeediyo

Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan.

Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.

Muslimiinta Mareykanka

Muslimiin badan ayaa ka carooday hadallada Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Muslimiin badan ayaa ka carooday hadallada Trump

Donald Trump ayaa sheegay xilli uu olole ku jiray in ay tahay in muslimiinta laga mamnuuco Mareykanka.

Wuxuu si gaar ah uga hadlay Soomaalida oo uu sheegay inay naceyb iyo xagjirnimo ku faafinayaan dalkaasi.

Balse, Hillary Clinton oo xilka madaxweynaha kula tartantay Trump ayaa canbaareysay hadalkaasi.