Muslimiinta oo bilaabay acmaasha Xajka

Xujayda ayaa sanadkan la kulmay talaabooyin dheeri ah oo ammaanka lagu adkaynayo

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Xujayda ayaa sanadkan la kulmay talaabooyin dheeri ah oo ammaanka lagu adkaynayo

Dad lagu qiyaasay 1.5 milyan oo ruux oo Muslimiin ah ayaa isugu tagay dhulka barakaysan ee Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaatka Xajka ee sanadkan.

Xujayda ayaa hadda ku sugan magaalada Maka oo ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Gawaraadi ayaa laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka masaajida barakaysan ee Xaramka u jira labo kiiloo mitir.

Booliiska ayaa Xujayda meelo kala duwan ku waydiinaya aqoonsiyadooda.

In kabadan labo kun oo ruux ayaa ku dhimatay xajkii sanadkii hore kaddib markii ay is buurteen.

Dadkaas badankoodu waxay ka soo jeedeen Iiraan, Tehraanna waxay Sacuudiga ku eedaysay in ay si xun u maamushay Xaramka waxayna dadkooda u diideen in ay aadaan Xajka sanadkan.

Sacuudigu waxuu Iiraan ku eedeey in ay siyaasadaynayso arrimaha Xajka.

Xujay badan safarka Xaramka wuxuu u yahay khibrad hal mar soo marta noloshooda

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Xujay badan safarka Xaramka wuxuu u yahay khibrad hal mar soo marta noloshooda
Masaajidka barakaysan ee Xaramka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Masaajidka barakaysan ee Xaramka
Xajku wuxuu tusaa dadka Muslimiinta ah in ay yihiin walaalo Illaahayna ay u simanyihiin

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Xajku wuxuu tusaa dadka Muslimiinta ah in ay yihiin walaalo Illaahayna ay u simanyihiin
Ujeedooyinka xajka waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dabaqada bulshada ka dhex jirta sida dhaqaalaha

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ujeedooyinka xajka waxaa ka mid ah in meesha laga saaro dabaqada bulshada ka dhex jirta sida dhaqaalaha
Muuqaalka guud ee xajka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Muuqaalka guud ee xajka
Sacuudigu wuxuu dhisayaa guryo cusub oo ay ku hoydaan xujaydu inta ay acmaasha gudanayaan.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Sacuudigu wuxuu dhisayaa guryo cusub oo ay ku hoydaan xujaydu inta ay acmaasha gudanayaan.