Donald Trump: Maraykanka 'waa inuu balaariyaa awooda hubkiisa nukliyeerka'

Donald Trump

Xigashada Sawirka, AP

Donald Trump ayaa ku baaqay in Maraykanka uu xoojiyo iyo inuu balaariyo awooda hubkiisa nukliyeerka.

Madaxweynaha la doortay, oo xafiiska la wareegayo bisha danbe, ayaa sheegay Maraykanka waa inuu qaadaa tallaabo "ilaa adduunka uu la imaado wax macquul ah oo ku saabsan nukliyeerka".

Wuxuu hadlay saacado kadib markii madaxweyne Vladimir Putin uu sheegay Ruushka inuu u baahan yahay inuu kordhiyo hubkiisa nukliyeerka.

Maraykanka ayaa leh 7,100 oo hub nukliyeer ah, Ruushkana waxay leedahay 7,300, sida ay sheegtay ururka ilaalinta hubka (Arms Control Association).

Trump tweet

Xigashada Sawirka, Twitter